|

Booliska Kenya ayaa xaqiijiyay in koox xiriir la leh Al-Shabaab ay ku sugan tahay Kenya.

Akhrisay :277

Booliiska Kenya ayaa xaqiijiyay in koox xiriir la leh Al-shabaab ay ku sugan tahay Kenya, si ay uga fuliyaan weerarro argagaxiso oo lagu dhaawacyo dalka.

Kooxdan oo lagu magacaabo MYC ‘Muslim Youth Centre ayaa la sheegay inuu madax u yahay Axmed Iimaan Cali oo Kenyan ah ayna Al-shabaab u magacowday dagaal ka dhan ah Kenya horraantii toddobaadkan.

Saraakiisha booliiska Kenya ayaa sheegay in kooxdan ay daggan tahay magaalada Nairobi ee xarunta Kenya, iyadoo booliiska ay Isniintii shalay kulan arrintaan looga hadlayo ku yeesheen magaalada Nairobi.

“Booliisku waxay billaabeen qorshayaal ay uga hortagayaan in kooxdan ay isku fidiso dalka oo dhan,” ayuu taliyaha booliiska Kenya, Mathew Iteere u sheegay wargeyska The Standard.

Warsaxaafadeed lagu daabacay shabakad ay kooxda MYC leedahay ayay ku xustay in hoggaamiyahooda uu yahay Sheekh Cali, ayna howlgalkooda ku baahiyeen meelo ay ka mid yihiin: Majengo, Thika iyo Mombasa.

“Wax shaki ahi kuma jiraan in Amiir Axmed Cali Iimaan uu yahay hoggaaminaya Al-shabaab ee Kenya, waan aqoonsannahay walaalaheenna Soomaaliya kuwaasoo dagaal kula jira gaalada, ayna muhiim tahay in mujaahidiinta Kenya ay qayb ka qaataan dagaalka,” ayaa lagu yiri qoraalka lasoo dhigay barta kooxdan.

Sidoo kale, kooxdan ayaa waxay sheegeen in bilaha iyo toddobaadyada soo socda ay gudaha Kenya kula dagaallami doonaan gaalada oo ay ku sheegeen inay yihiin cadow Islaamku leeyahay.

“Ma ahan wax shaki aan ka qabno ololaha looga horjeedo kufaarta ama gaalada, MYC iyo hoggaamiyahooda waxay garab taagan yihiin walaalahooda ay jecel yihiin ee Al-shabaab. Waxaan ka qaybqaadanaynaa jihaadka si aan naxariis uga helno Alle,” ayay kooxdan ku sheegtay qoraalkooda.

Hoggaamiyaha kooxdan Sheekh Cali Iimaan ayaa ugu baaqay dhammaan muslimiinta ku nool dalalka Yemen,Afgaanistaan, Ciraaq iyo Jeejniya inay kusoo biiraan dagaalka ka socda bariga Afrika.

“Haddii aad awoodi waydo inaad timaado dhulka uu jihaadku ka socdo… waa inaad la dagaalanto cadowga kuu dhow,” ayuu mas’uulkan ku sheegay cajalad uu kasii daayay telefishin taageera Al-shabaab. “Jihaadku wuxuu hadda u wareegay dalka Kenya.”

Dowladda Kenya ayaa waxay ciidamo badan soo gelisay gudaha Soomaaliya si ay ula dagaalanto Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen inay mas’uul ka tahay falal wax u dhimaya ammaanka oo ka dhacay gudaha dalkooda.

Leave a Reply

*

WordPressÖ÷Ìâ