|

Sh. Cali Dheere “Dowladaha Kenya & Itoobiya wey ku fashilmeen faragalinta Soomaaliya”

Akhrisay :253

Afhayeenka Xarakada Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dalalka Kenya iyo Itoobiya ay ku fashilmeen duullaankii ay kusoo qaadeen Somalia, wuxuuna sheegay in ciidamada labadan dal ay ku sugan yihiin goobihii ay markii hore soo gaareen.

Sheekh Cali Dheere, wuxuu sheegay in ciidamada Kenya ay ku sugan yihiin halkii ay soo gaareen 90-maalmood ka hor oo 60-km u jirta xuduudda, isagoo xusay inay ku faani jireen inay qamriga ku cabi doonaan Kismaayo balse taasi ay suuro-gal u noqon wayday. taas badalkeedana ay xoogaggoodu u suurogashay inay gudaha u galaan Kenya in ka badan intii ay gudaha u soo galeen Soomaaliya ayna halkaas ku naafeeyeen.

“Mujaahidiintu waxay Kenya u galeen gudaha in ka badan intii ay Soomaaliya u soo galeen, halkaas ayayna qaar ka mid ah ciidamadooda kusoo dileen kuwo kelana kasoo qafaasheen – saxaafadduna ay arki doonto, tanina waxay caddeyn u tahay in cadowgu uu tababar-darreeyay,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Afhayeenku wuxuu ballanqaaday inay gudaha ugu sii socon doonaan Kenya tan iyo inta ay gudaha u soo galayaan Soomaaliya, isagoo xoogaggooda ku boorriyay inay adkeysataan oo ay u sabraan dagaalka ay kula jiraan Kenya iyo Itoobiya.

Dhanka kale, afhayeenku wuxuu sheegay in ciidamada Itoobiya ay iyaguna ku fashilmeen duullaankii ay kusoo qaadeen Sooamaaliya oo uu sheegay inay hal sano ka shaqeynayeen kaasoo uu sheegay inay kala shaqeeyeen dalalka reer galbeedka.

“Itoobiya duulaankii ay soo qaadday wuu soo dhaafi la’yahay degmada Baladweyne maalin walbana dhibaato ayaa loo geystaa, waxaana rajeynayaa in maalmaha soo socda uu khasaarahooda iyo walaacoodu kasii badan doono, ayna Soomaaliya ka bixi doonaan iyagoo lugeynaya sidii ay horayba uga baxeen,” ayuu shirkiisa jaraa’id ku sheegay.

Sheekh Cali Dheere, ayaa sheegay in dadka qaarkood ay ka walaacsan yihiin soo gelitaanka ciidamada Itoobiya ee gudaha Soomaaliya, balse wuxuu sheegay inay ugu bishaareynayaan in Baladweyne aan uraal la saari doonin, balse ay rajeynayaan inuu noqdo xabaalo lagu aaso ciidamada Xabshida.

“Magaalada Baladweyne way ku baabi’i dooonaan wayna ka bixi doonaan, waxayna noqon doontaa magaalo laga oogo diinta Islaamka,” ayuu hadalkiisa ku raaciyay iyadoo degmada Baldweyne ay hadda ku sugan yihiin ciidamada Itoobiya iyo kuwo Soomaali ah.

Ugu dambeyn, afhayeenka Al-shabaab wuxuu farriin u diray muslimiinta ku nool dalalka Kenya iyo Itoobiya, isagoo sheegay inay joogaan xilligii ay xorriyadooda dib ugu soo ceshan lahaayeen.

“Muslimiinta ku nool Kenya iyo Itoobiya waxaan leennahay fursad ayaad haystaan inta ay innaga (Al-shabaab) nagu mashquulsan yihiin waa inaad idinkuna weerarro ka billowdaan, Mombassa, Gaarisa, Nairobi, Addis Ababa iyo Mukalla,” ayuu Sheekh Cali Dheere ku sheegay shirka jaraa’id oo uu qabtay shallay gallinkii dambe.

Isagoo hadalkiisa kusoo xiray in gaaladu aysan maanta isku gurman karin oo looga baahan yahay qof walba inuu meesha uu joogo uu ka billaabo, ayna xiriirro lasoo sameeyaan dagaalyahannada Al-shababa iyo hoggaamiyeyaashooda.

Gagabadii wuxuu u mahaceliyay Soomaalida gacanta ku siiyay Al-shabaab dagaalka ay ku jirto inay u mahadcelinayaan meel walba oo ay joogaan gudaha iyo dibadda, waxaana hadalka afhayeenka Al-shabaab uu imaanayaa iyadoo ay xoogeysteen dagaallada ka socda gudaha Soomaaliya ee looga horjeedo Al-shabaab.

Leave a Reply

*

Premium WordPress Themes