|

Xarakada Al-Shabaab oo guulo ka sheegatay dagaal ka dhacay gobalka Gedo.

Akhrisay :322

Xarakada Al-shabaab ayaa guulo ka sheegatay weerar gaadmo ah oo shalay gallinkii dambe ku qaadeen ciidammo Kenyan ah oo kasoo baxay deegaanka Buusaar kuna socday Faafax-dhuun ee gobolka Gedo.

Afhayeenka howlgallada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarkaas ay ku gubeen laba gaari oo midkood uu yahay kuwa dagaalka oo ay wateen ciidamada Kenya, dhowr askarina ay ku dileen.

“Dagaalka gaadmada ah wuxuu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Indho-ceel oo u dhexeeya Buusaar iyo Faafax-dhuun, waxaana halkaas ay mujaahidiintu ku dileen askar badan oo Kenyan, sidoo kalena waxay ku gubeen gaari ciidan iyo midraaxo oo ay ciidamadaas wateen,” ayuu yiri Sheekh C/casiis Abuu-Muscab.

Ma sheegin afhayeenku khasaare dhankooda kasoo gaartay dagaalka, balse wuxuu sheegay in cidamadii Kenya ay ku qasbeen inay dib ugu laabtaan halkii ay markii hore kasoo ambabaxeen.

Xukuumadda Kenya kama aysan hadlin dagaalka iyo khasaaraha dhankooda kasoo gaartay iyo midka ay geysteen, iyadoo afhayeenka Al-shabaab uu sheegay inuu ka mid yahay dagaalka weerarro gaadmo ah oo ay la beegsadeen todobaadkan askarta Kenya ee ku sugan gobolka Gedo.

Dhanka kale, xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa waxay hoobiyeyaal ku weerareen saldhigyo ay degmada Garbahaarey ku leeyihiin ciidamada DKMG ah iyo Ahlusunna waxaana ka dhashay dhaawacyada afar qof sida ay sheegeen saraakiisha DKMG ah.

Saraakiil u hadlay Al-shabaab ayaa sheegtay inay khasaare dhimasho iyo mid dhaawac ku gaarsiiyeen duqeyntaas ciidamadii DKMG ah iyo kuwii Ahlusunna ee ku sugnaa saldhigyada ay hoobiyeyaasha ku weerareen.

Leave a Reply

*

Free WordPress Themes