aam

Real Madrid Oo Soo Bandhigtay Garankeeda Cusub Ay Ku Ciyaari Doonto Xilliga Martida

Decrease Font Size Increase Font Size Text Size Print This Page

[ A+ ] /[ A- ]

28 July (Xogta Media) – Real Madrid ayaa shalay soo bandhigtay funaanadeeda cusub ee martida ee ay xidhan doonaan xilli ciyaareedka soo socda ee 2013-14.

352realBenzema, Ozil iyo Morata ayaa ahaa ciyaartoydii loo adeegsaday inay garamaantan midabka buluuga ah u soo bandhigaan caalamka, iyadoo xariiqmo cadaan iyo orange ah sidoo kale lagu xardhay.

Madrid ayaa sheegtay in funaanadeeda cusub ee martida ay ku ciyaari doonto markii ugu horeysay kulanka saaxiibtinimo ee sabtida 27-ka July ay Gothenburg Sweden kula ciyaari doonaan kooxda Paris Saint-Germain.

Funaanadan ayaa waxaa sameysay shirkada isboortiga ee Adidas kuwaasoo heshiis muddo dheer ah kula jira kooxda Los Blancos. “Waa funanad fiican.

Waxaa jira waxyaabo laga soo qaatay kuwii hore, waana ii sharaf inaan ku ciyaaro midabo ay ku soo ciyaareen halyeeyada kooxda. Adidas waxa ay qabatay shaqo weyn” ayuu yidhi Ozil sida lagu qoray website-ka kooxda. (59)

QOR FIKIRKAAGA KU SAABSAN WARBIXINTAAN