Wasiirkii Hore Ee Ciyaaraha S/Land Oo Ku Sugan Muqdisho Oo Quus Ka Taagan In Xil Loogu Magacaabo Soomaaliya.

Filed under: WARARKA MAANTA |

[ A+ ] /[ A- ]

29 July 2013(XOGTA MEDIA) – Wasiirkii hore ee ciyaaraha Somaliland ee xukuumadii Daahir Rayaale Kaahin oo magaalada Muqdisho ee Somalia ku sugan ayaa la sheegay inuu madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ka quudaraynayo inuu xil uga magacaabo xukuumadiisa.

354wasiirSida ay Xogta Media u sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay Muqdisho ayaa sheegay in wasiirkii hore ee ciyaaraha Maxamuud Siciid Maxamed oo horaantii bishi June 2013 magaalada Muqdisho gaadhay oo madaxweynaha Somalia ka naawilayay inuu mansab uga magacaabo xukuumadiisa, ayaa la sheegay inuu hada quus ka taagan yahay rajadii uu ka qabay inuu xil ka helo maamulka Somalia.

Mr Maxamuud Siciid Maxamed oo ka mid ahaa siyaasiyiintii xisbigii Udub ee burburay ee ku biray xisbul xaakimka Kulmiye, dabayaqadii sanadkii 2002-dii ayaa wararku tibaaxayaan in wakhtigan xaadirka ah markii uu ku hungoobay xilkii uu u doontay Muqdisho uu go’aansaday inuu dib ugu soo laabto Somaliland, kaas oo sida sharcigu dhigayayna siyaasiyiinta Somaliland ee u socdala Somalia uu qabanayo xeer iyo sharci ka mamnucaya Socdaalada Somalia. (57)

QOR FIKIRKAAGA KU SAABSAN WARBIXINTAAN