AAM

Kenya Oo Dil Ku Xukuntay Nin Caawiyey Budhcad Badeedii Afduubay Judith Tebbutt.

Decrease Font Size Increase Font Size Text Size Print This Page

[ A+ ] /[ A- ]

30 JULY 2013 (XOGTA MEDIA) – Maxkamada magaalada Lamu ee dalka Kenya ayaa shalay xukun dil ah ku riday nin Muslim ah oo ka shaqeenayey Hotelkii laga afduubay haweenayadii Judith Tebbutt oo ay kooxo budhcad baddeed ahi afduubeen sanadkii 2011.

355kenyaNinkan muslimka ah oo lagu magacaabo Ali Babitu Kololo waa 27 sano jir kamid ahaa shaqaalaha Hotelka afduubka uu ka dhacay, waxaana lagu eedeeyey inuu la shaqeenayey kooxda budhcad badeeda Soomaalida ah.

Maxkamada Lamu ayaa sheegtay in lagu cadeeyey ninkan inuu ahaa qofkii lixaad oo kamid ah kooxda burcad badeeda ee afduubtay Judith Tebbutt, isla markaana dilay David Tebbutt oo kadib markii isku dayey inuu difaaco xaaskiisa.

Kooxda burcad badeeda ah ayaa Judith Tebbutt ku tuuray dooni dheeraysa isla markaana ulla baxsaday dhanka Soomaaliya, maalintii ku xigtay ayey Booliiska Kenya qabteen ninkan oo kamid ah shaqaalah hotelka.

Judith Tebbutt ayaa sheegtay in kooxdii afduubtay ay u sheegeen in nin kamid ah kooxdooda ay booliiska Kenya qabteen arrintaasi oo loo adeegsaday in ninkan lagu cadeeyo inuu kamid ahaa kooxda burcad badeeda ah.

Balse ninkan ayaa beeniyey in uu wax lug ah ku lahaa wuxuuse qirtay inuu burcad badeeda tusay qolkii ay jiifeen Judith Tebbutt iyo odeygeeda, kadib markii ay u hanjabeen.

Judith Tebbutt ayaa afduub ahaan loogu heystay dalka Soomaaliya muddo lix bilood ah iyadoo lasoo daayey bishii Maarso ee sanadkii lasoo dhaafay 2012.

Ali Babitu Kololo oo ay shalay Maxkamada Lamu xukuntay ayaa lagu wadaa inaan lagu fulin xukunka dilka ah balse loogu bedali doono xabsi daa’in maadaama wadanka Kenya uu joojiyey fulinta xukunka dilka ah.

  (72)

QOR FIKIRKAAGA KU SAABSAN WARBIXINTAAN