Muqdisho, Khamiis, May 1, 2008 Xogta Online
Saraakiisha Ciidamada Federaalka Ethiopia ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa shalay galab xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ugu yeertay Guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo K/xigeenadiisa.
Goobjooge ka qeyb galay kulankaasi ayaa Saxaafada u sheegay in saraakiisha Ethiopian-ka ay sheegeen inay dhibaatooyin badan shacabka kasoo gaaraan ciidamada tirada badan oo ay wateen mas'uuliyiinta maamulka gobalka Banaadir.
Waxa ay sidoo kale sheegeen in qaraxyada inta badan lala beegsado mas'uuliyiinta gobalka Banaadir ay sabab u yihiin ciidamada mas'uuliyiintaasi oo aan laheyn tarbiyad ku filan iyagoo u dhaqma sida maleeshiyo beeleedyadii Soomaaliya ka jiri jiray.
Saraakiisha Ethiopian-ka ayaa sheegay in talaabo laga qaadi doono mas'uul ka tirsan mamaulka G/Banaadir oo la arko isagoo wata wax ka badan hal gaadiid iyo 10 ilaalo.
Saraakiisha Ethiopian-ka ayaa durbadiiba ku amray mas'uuliyiinta gobalka Banaadir inay hubkooda kusoo wareejiyaan taasoo ay aqbaleen inta badan mas'uuuliyiinta marka laga reebo mas'uulka dhinaca ammaanka qaabilsan ee Cabdifitaax Shaaweey.
Ina Shaaweey ayaa sheegay inuusan ciidamada Ethiopian-ka hubkiisa ku wareejin doonin isla markaana uu wadan doono gaadiid gaaraya afar, ilaa ammaanka Muqdisho wax badan laga qaban doono.
"Amni daro xoogan ayaa jirta, laba mid midkood ayay noqoneysaa inaan ciidamadeyda iyo gaadiidkeyga wato iyo in aan xilkaan aan iska dhiibo waayo waxa halis ku jirta nolosheyda" ayuu ku andacoonayay Cabdifitaax Shaaweey.
Guddoomiyaha gobalka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb "Maxamed Dheere" ayaa laga dareemayay inuu taabacsanaa amarka ay soo jeediyeen saraakiisha Ethiopian-ka isagoo balan qaaday in berito hubkiisa uu kusoo wareejin doono ciidamada Ethiopian-ka marka laga reebo hub yar oo ay ku shaqeyn doonaan ilaaladiisa.
Si kastaba ha ahaatee, arrintaan ayaa cadeyneysa in mas'uuliyiinta DF ka amar qaataan saraakiisha ciidamada Ethiopian-ka ee gudaha dalka ku sugan taasoo ceeb u noqoneysa shacab weynaha Soomaaliyeed. |