Baydhaba, Khamiis, May 1, 2008 Xogta Online
Ammaanka magaalada baydhabo ayaa aad loo adkeeyay saaka, waxaana magaalada ay saakayto ku waabariisatay xaalad bandow ah.
Ciidamada booliska iyo kuwa Itoobiya ayaa la dhigay wadooyinka magaalada oo idil, gaar ahaan kuwa galay xarunta baarlamaanka soomaliya.
Raysal wasaaraha soomaliya nuur xasan xuseen ayaa la soo sheegayaa in saaka uu ka qeyb qaadan doono kulanka barlamanka, kaasoona su'aalo lagu weydinayo.
Wararka Saxaafada ka heleyso Baydhabo ayaa tilmaamaya in Gudoonka baarlamaanka uu ku wargeliyay mudanayaasha baarlamaanka in ay soo xaadiraan shirka saaka oo ah mid aad xasaasi u ah.
Raysal wasaare nuur cade ayaa la filayaa in qudbad dheer uu ka jeediyo fadhiga maanta, waxaana uu diirada ku saarayaa wax qabadka dowladiisa intii ay jirtay.
Mudanayaasha qaar ayaa doonaya in Raysal wasaaraha su'aal ka weydiiyaan ammaanka dalka iyo deegaanada aanay dowladda maamulin.
Sidoo kale waxaa jiri doono su'aalooyin ku aadan ammaanka caasumada iyo xoogeysiga kooxaha dawlada ka soo horjeeda oo weerara xarumaha ciidamada dawlada, waxaana laga sugayaa in raysal wasaaraha dhamaan su'aalahaas uu jawaab waafi ah ka bixiyo.
Xildhibanada baarlamaanka ayaa ky tilmaamaya xaaladaha dalka ka jira in ay tahay habacsanaan dhanka ciidamada oo aan qaarkood heysan wax mushaaraad ah, taasna ay keeni karto in ciidamadu sidii la rabay aan howlahooda uga soo bixin.
|