Ra'iisul-wasaare Nuur Cadde oo raja wanaag ka muujiyay wada hadalo ka furma Djibouti.       

Muqdisho, Khamiis, 1 May 2008 Xogta Online

Ra'iisul-wasaaraha Dowlada KMG ah ee Somalia Col. Nuur Xasan Xuseen “Nuur Cadde” ayaa maanta ka qeyb galay kulankii Barlamaanka ee ka dhacay xarunta ADC-da ee magaalada Baydhaba.

Ra'iisul-wasaaraha ayaa khudbad sacab badan loo garaacay ka jeediyay gudaha xarunta Barlamaanka e ADC-da, isagoo ka hadlay wax qabadka xukuumadiisa cusub.

Ra'iisul-wasaaraha waxuu sheegay in dhismaha Xukuumadiisa kadib uu bilaabay dadaal dharaar iyo habeenka usoo jeeday kaasoo ku doonayay in heshiis ay gaaraan Dowlada Federaalka iyo Mucaaradka saldhiga ku leh magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea .

Waxa uu sheegay inuusan wali ka daalin uuna wado howlaha dib u heshiisinta Soomaaliya, isla markaana dhawaan shirweyen QM soo qaban qaabisay ka dhici doona magaalada Djibouti .

Nuur Cadde waxuu sheegay inay jiraan waxyaabo ay tabanayaan Mucaaradka DF balse uusan dib u dhac ku imaan karin shirweynaha 10 May lagu balansan yahay inay isku soo hor fariistaan Dowlada Federaalka, Isbaheysiga dib u xoreynta Somalia iyo Odoyaasha dhaqanka beelaha Hawiye

“Kadib dagaalo dhawaan ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Huriwaa, Mucaaradka waxey Saxaafada qaarkood u sheegayeen inaysan ka qeyb galeynin shirweynaha dib u heshiisineed ee Djibouti lagu balamay, taasi ma suurta galeyso shirkaasina wuu dhacayaa weyna kasoo qeyb galayaan” ayuu yiri Nuur Cadde.

Ra'iisul-wasaaraha waxuu sheegay inuu la xiriirtay Qaramada Midoobay iyo dowlada Jabuuti isla markaana u sheegay inay iyaga diyaar u yihiin ka qeyb galka shirkaasi isla markaana 10 May imaanayaan Djibouti .

R/wasaaraha oo ka hadlayay arrimaha nabad galyada ayaa sheegay in loo baayan yahay in ciidamada dowladda ay helaan mushaaraadkooda, si ammaanka loogu guuleysto, isla markaana loo gaaro kala dambeyn iyo kala amar qaadasho.

“Askari aan mishaar helin muddo bilo ah, ma laga yaabo inuu sugo ammaan, waxaana dhici karta inuuba isaga tago shaqada uu DF u hayo mishaar la'aan awgeed” ayuu yiri Nuur Cadde.

Nuur Cadde waxuu sheegay inay jiraan dhaqaalo daro Dowlada KMG ah xiligaan soo food saaray taasoo uu ku macneeyay DF oo aan wax canshuur ah ka qaadin gobolada dalka Soomaaliya.

“Canshuuro yaryar oo laga qaado dekada Muqdisho iyo Airport-ka ayaa jira kuwaasina ma wada gaaraan shaqaalaha dekada iyo garoonka diyaaradaha” ayuu yiri Nuur Cadde.

Waxa uu sheegay inay DF dhaqaale ka sugeyso wadamo badan oo Carab ah gaar ahaan Saudi Arabia iyo Midowga Yurub isla markaana dhawaan uu dhaqaalahaasi soo gaari doono.

Ammaanka magaalada Baydhaba gaar ahaan xarunta ADC-da ayaa maanta aad loo adkeeyay iyadoo gaadiidka dadweynaha loo diiyay inay usoo dhawaadaan xarunta ADC-da, waxaana lagu arkayay geedaha dhaadheer korkooda ciidamo Ethiopian ah oo la saaran qoryaha toorabiinka ku xiran yahay ee meelaha fog wax loogu toogto.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka Ra'iisul-wasaare Nuur Cadde ayaa kusoo beegmaya xili Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya ay sheegeen inaysan wax wada hadal ah la galeyn DF ilaa dalka laga bixiyo ciidamada Ethiopian-ka.

Xogta Online

Contac Us: xogtasom@gmail.com