Yuusuf Dabageed “Guddoomiya Hiiraan waa aniga cidii iga qaadi karta ha ii timaado”.

Beledweyne, Khamiis, 1 May 2008 Xogta Online

Yuusuf Axmed Hagar “Dabageed” oo ahaa Guddoomiyihii gobalka Hiiraan oo shalay xilkii uu ka qaaday Ra'iisul-wasaare Nuur Cadde ayaa maanta Saxaafada la hadlay.

Dabageed ayaa qaadacay xil ka qaadista uu ku sameeyay Ra'iisul-wasaare Nuur Cadde taasoo uu ku tilmaamay mid sharci daro ah oo aan laga fiirsan.

Waxa uu sheegay inuu isagu wali yahay Guddoomiyaha xaqa ah ee gobalka Hiiraan isla markaana dhiig badan usoo huray xilkaasi isla markaana uusan ka dagi doonin.

“Ra'iisul-wasaare Nuur Cadde, durbadiiba waxuu bilaabay qabiileysi iyo waxyaabo aan loo joogin, xilka Guddoomiyaha aniga ayaa ah waligeyna waan heynayaa, waxuuna usoo magacaabay nin aan Siyaasada Hiiraan waxba ka aqoon oo seedigiis ah, ninkii iga qaadi kara xilkaan ha ii yimaado ” ayuu yiri Dabageed.

Yuusuf Dabageed oo marka Saxaafada la hadlayay laga dareemi karay xanaaq xoogan isla markaana mararka qaar hadalka cabaar laga sugayay sababo la xiriira isagoo aad u qeylinayay oo nasaya ayaa sheegay inuu berito gaarayo magaalada Beledweyne ee xarunta Hiiraan.

Waxa uu sheegay inuu ciidamo Soomaali iyo Ethiopian-ka iskugu jira uu wato isla markaana berito uu gaarayo magaalada Beledweyne si uu dagaal ula galo kooxaha DF kasoo horjeeda ee Beledweyne ku sugan.

Xalay ayay ahayd markii mas'uuliyiin shalay Ra'iisul-wasaare Nuur Cadde u magacaabay G/Hiiraan ay is casileen, kuwaasoo sheegay inaysan qabaneynin xilka loo magacaabay.

Si kastaba ha ahaatee, is qabqabsigaa soo kala dhex galay DF iyo Guddoomiyihii hore G/Hiiraan ayaa sababi kara dagaal gudaha gobalkaasi ku dhex mara ciidamo labada dhinac kala taabacsan.

Xogta Online

Contac Us: xogtasom@gmail.com