Boosaaso: Ciidamada Puntland oo weerar qasaaro geystay ku qaaday maleeshiyo beeleed.

Boosaaso, Khamiis, 1 May 2008 Xogta Online

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari waxaa maanta ka dhacay dagaal xoogan oo ay isku fara saareen ciidamada Puntland iyo Maleeshiyo beeleedyo ku sugnaa xaafada Tuulo Ajuuka ee magaalada Boosaaso.

Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii ciidamo uu watay Taliyaha ciidamada Puntland oo marayay agagaarka xaafada Tuula Ajuuka uu weerar kaga yimid Maleeshiyo beeleed maalmihii lasoo dhaafay isku aruursaneysay xaafadaasi.

Inta la ogyahay lix ruux ayaa ku geeriyootay dagaalkaa oo ay ku jireen labada garab ee dagaalka dhex maray iyo dadweyne rayid ahaa oo ku sugnaa xaafada Tuuka Ajuuka.

Hareeraha xaafadaasi waxaa isku hareeyay ciidamo aad u fara badan oo Puntland ka tirsan, kuwaasoo doonaya inay gacanta kusoo dhigaan Maleeshiyaadkaan, iyadoo maleeshiyadana ay gudaha ugu jiraan xaafada kana soo ridayaan rasaas teel teel ah.

Dadweynaha ku dhaqan xaafada Tuula Ajuuka ayaa isaga qaxay xaafadooda iyadoo waddooyinka lagu arkayo caruur iyo haween gacmaha is heysta oo kasoo baxaya guryahooda kadib markii ay rasaasta dhaceyso u adkeysan waayeen.

Wasiirka Maaliyada Puntland Gaagaab ayaa Saxaafada u sheegay inaysan joojin doonin dagaalkaasi, ilaa ay gacanta kusoo dhigaan maleeshiyaadkaasi.

Waxuu sheegay inay Maleeshiyaadkaasi ku jiraan qaar kamid ahaa burcad badeedka dhawaan kasoo fatay ciidamada Faransiiska ee duqeynta u geystay.

Warar hoose oo Boosaaso aan ka heleyno ayaa sheegaya inay Mas'uuliyiinta Puntand isku heystaan dagaalka iminka socda, iyadoo qaarkood ay ku baaqayaan in la joojiyo si aan ammaanka Puntland faraha ugu bixin.

Si kastaba ha ahaatee, magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa noqotay magaalada ugu ammaanka daran Puntland iyadoo muddooyinkii lasoo dhaafay ay ka dhacayeen falal ammaan daro ah oo iskugu jira dhac iyo dil bareer ah oo loo geysto saraakiisha sar sare ee Puntland.

Xogta Online

Contac Us: xogtasom@gmail.com