Mareykanka oo raadinaya ansixinta qaraar ay burcad badeedka Soomaalida ula dagaalami karto.

New York , Khamiis, 1 May 2008 Xogta Online

Dowlada isku sheegta inay tahay dowlada ugu awooda badan caalamka ee Maraykanka ayaa raadinaysa inay ka helo Golaha Amaanka ee QM qaraar u ogaalanaya in badaha Somalia ay kula dagaalami karto burcad badeedka soomaaliyeed oo inta badan xeebaha dalka Somalia afduubka uga gaysta maraakiibta shisheeyaha ah.

Bishii April 22-keeda ayaa burcad badeed Soomaali waxa ay afduub u gaysteen markab la oran jiray The Al-khaleej oo Dubai laga lahaa waxaana gebi ahaanba laga soo furtay dadkii iyo shaqaalihii saarnaa kadib markii maamul goboleedka Puntland ay qaadeen talaabo ay ku soo furanayeen markabkaasi.

Sidoo kale, markab kuwa lagu dalxiiso ahaa oo laga lahaa dalka Faransiiska ayaa kooxo burcad badeed Soomaali ah afduub u geysteen, kuwasoo markii lacago ay qaateen kadib duqeyn u geysteen Diyaaradaha Faransiiska oo gacanta kusoo dhigay lix kamid ahaa burcad badeedka Soomaalida oo iminka ku sugan xabsi ku yaala Faransiiska isla markaana sugaya Maxkamad lasoo taago.

Saraakiil badan oo kuwa bada ah ayaa walaac xoogan ka muujiya burcad badeedka Soomaalida ah oo inta badan biyaha caalamiga ka soo afduubta maraakiibta shisheeyaha ah iyo kuwa ganacisga qaarkood u soo ku soo jeeda dalka Somalia .

Sarkaal sare oo Mareykan ah oo xarun u ah dalka Bahrain ayaa sheegay in looga baahan yahay bulshada caalamka in ay keenaan xal lagu badbaadinayo maraakiibta maraysa badaha caalamiga ah.

Mareykanka iyo Faransiiska ayaa qaraar qabya ah hor geeyay Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay iyaga oo uga baaqaya sidii wax looga qaban lahaa burcad badeedka Soomaalida ah ee qatarta ku haya biyaha caalamiga

Qaraarkan ayaa ogalaanaya in la geli karo badaha Soomaaliya si loo soo qabqabto burcad badeedka dhaca iyo afduubka u gaysata maraakiibta kala duwan.

Si kastaba ha ahaatee, burcad badeedka Soomaalida ee inta badan kasoo jeeda Puntland ayaa dhibaatooyin ku haya bulsho weynta Caalamka oo dhan, kuwaasoo caadeystay dhac iyo afduub bareer ah oo ay u geystaan maraakiibta shisheeye ee xeebaha Somalia marta.

Xogta Online

Contac Us: xogtasom@gmail.com