Frazer “ Waxaanu balan ku qaadeynaa socodsiinta howlaha Dowlada Federaalka Somalia ”.

Oslo , Khamiis, 1 May 2008 Xogta Online

Kaaliyaha Xoghayaha arimaha dibada Mareykanka uqaabilsan Africa Jendayi Frazer ayaa shaaca ka qaaday in ay sii wadayaan taageerada ay siinayaan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Kaaliyuhu waxa ay sheegtay in ay deg deg ku siinayaan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya dhaqaale badan oo ay ubaahan tahay Xukuumada Faderaalka ,markaasna uhirgaliya qabashada waxyaabo badan.

Waxa ay sheegtay in ay Dawladda Faderaalka ee Soomaaliya dooneyso hada in laga taageero arimaha Milateriga & Dhaqaalaha si ay waxyaabo badan uqabsato.

Haweeneydan waxa ay tibaaxday in ay Xukuumada Washignton hada dooneyso in ay Golaha amaanka ee Qaramada Midowbay hor dhigto Qaraar ku aadan in ciidamo caalami ah la geeyo dalka Soomaaliya.

Kaaliyaha Xoghayaha arimaha dibada ee Mareykanka ayaa ku nuux-nuuxsatey in looga baahan yahay Golaha amaanka ee Qaramada Midowbay taageero ay siiyaan Xukuumada Faderaalka ee Soomaaliya.

“ Waxaanu dooneynaa in aan hada siino dawladda faderaalka ee Soomaaliya taageero dhinaca Amniga ah ,waxaana wax ka qaban doonaa amaan la'aanta ka taagan dalka Soomaaliya” Ayay tiri Wasiiradan.

Warkan ka soo baxay dawladda Mareykanka ayaa ku soo beegmay xili ay diyaaradaha Mareykanku duqeymo ka geysteen meelo ka mid ah gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Shalay intii uu socday Shirweynaha Contact Group ay ku yeesheen magaalada OSLO waxaa ka dhacay dibadbax balaaran oo ay Soomaalida dalkaasi ku dhaqan soo abaabuleen, kuwaasoo loogu soo horjeeday joogitaanka ciidamada Ethiopian-ka ah ee gudaha Somalia iyo fara galinta USA ay ku heyso arrimaha Soomaaliya.

Dibadbaxyaasha ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin erayo lid ku ah fara galinta Mareykanka uu ku hayo dalka ay dagaalada baabi'iyeen ee Somalia iyo joogitaanka ciidamada Ethiopian-ka.

Dadweynaha waxaa la hadlay Ergayga QM u qaabilsan Somalia Ahmadu Abdalla waxuuna sheegay in dhawaan horumar laga gaari doono is qabqabsiga Siyaasada Soomaaliya ee dhibaatada u horseesaday shacab weynaha Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda Contact Group ee xiriirka Soomaaliya ayaa inta badan soo saarta qodobo aan waxba ka hirgalin kuwaasoo ku aadan nabad laga islaaxin doona Somalia .

Xogta Online

Contac Us: xogtasom@gmail.com