Asmara , Khamiis, 1 May 2008 Xogta Online
Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya waxa uu si aad iyo aad ah u cambaareynayaan duqeyntii gardarada ahayd ee ay ciidamada mareykanku
La beegsadeen xaafad ka mid ah xaafadaha magaalada Dhuusamareeb ee Gobalka Galgaduud bartamaha Soomaaliya.
Isbahaysiga waxa uu u arkaa falka noocan ah oo geystay khasaare naf iyo maalba leh in uu yahay xadgudub iyo colaad loola jeedo in lagu waxyeeleeyo dareenka iyo dadnimada shacabka Soomaaliyeed iyo weliba taageero milatari iyo mid moral oo la siinayo ciidamda Ethiopia ee xasuuqa aan loo meel dayin ka wada gudaha Soomaaliya.
Isbahaysigu waxaa uu aad uga xun yahay iyadoo beesha caalamka oo uu mareykanku horkacayo ku baaqayaan in xalka dhibaatda ka taagan Soomaaliya loo maro dhabe nabdeed ay dhanka kale ciidamda mareykanka bartilmaansadaan magaalooyinka ay ku soo qaxeen qoysaskii ka soo firxaday hagardaamada ay ciidamda Ethiopia ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, taas oo calaamad su'aal gelinaysa sida ay dhexdhexaadka uga yihiin arrimaha Soomaaliya.
Isbahaysiga waxa uu shacabka Soomaaliyeed iyo Eheladoodabauga tacsiyeynayaa dilkii gardarrada ahaa ee gurigooda loogu geystay hogaamiyayaasha uu ka midka yahay Aadan Xaashi Ceyrow, waxa uuna aAllah uga baryayaa in uu shahaadadooda u aqbalo samirna naga wada siiyo.
Isbahaysiga waxa uu beesha caalamka u sheegayaa inaysan Soomaaliya maanta u baahnayn cudud milartari oo quwadaha waaweyni dhinaca ka yihiin in lagu muquuniyo, bale ay u baahan tahay in laga daayo faragelinta shisheeye oo ay ugu horeyso tan ciidamda Ethiopia, lagana taageero sidii ay iga soo kabsan lahayd burburka iyo barakicinta ay u geysteen.
Ugu dambeyntii Isbahaysigu waxa uu uu Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inaysan niyad jabinin falalka noocan oo kale ah, adkeeyaanna midnimadooda iyo wada jirkooda meelna uga soo wada jeestaan sidii ciidamda Ethiopia dalka looga saari lahaa.
Xafiiska Warfaafinta ARS.
Asmara , 01/05/2008. |