Beledweyne, Khamiis, May 1, 2008 Xogta Online
Ra'iisul-wasaaraha Dowlada KMG ah ee Somalia Nuur Xasan Xuseen "Nuur Cadde" ayaa shalay xubno cusub u magacaabay gobalka Hiiraan isla markaana jagadii ka qaaday Guddoomiyihii hore ee gobalkaasi Yuusuf Axmed Hagar "Dabageed".
Qaar kamid ah xubnahaan cusub ee maamulka G/Hiiraan loo magacaabay ayaa Saxaafada xalay la hadleen waxeyna sheegeen inaysan qaadeyn xilka Ra'iisul-wasaare Nuur Cadde u magacaabay.
Xubnahaan is casilay waxaa kamid ah Guddoomiye ku xigeenka degmada B/Weyne Salaad Xasan Cabdi Injineer Cumar Xasan Muuse, Cumar Aadan Baadiyow, Guddoomiye k/xigeenka Gobolka Hiiraan Seelaabaan Axmed Hilowle, G/Sare Axmed Cilmi Guuto iyo Aadan Magan Maxamed.
Dhamaan mas'uuliyiintaan is casileen ayaa ku sugan xiligaan gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, lamana oga ujeedada rasmiga ah oo ay xilalka loo magacaabay iskugu casileen. Warar hoose oo Saxaafada heshay ayaa sheegaya in mas'uuliyiintaan hanjabaadyo kala kulmeen xoogaga kasoo horjeeda DF ee ku sugan gudaha gobalka Hiiraan kuwaasoo ugu goodiyay inay is casilaan hadii kalena ay dili doonaan. Dowlada KMG ah ee Somalia ayaa ilaa iminka ka hadlin mas'uuliyiintaan loo magacaabay maamulka gobalka Hiiraan ee is casilay. Si kastaba ha ahaatee, inta badan mas'uuliyiinta DF u magacowdo gobolada dalka ayaa cabsi darteed isku casila kuwaasoo hanjabaadyo kala kulma kooxaha Dowlada Federaalka kasoo horjeeda. |