Mareykanka oo sheegay in Somalia ay noqotay dalka ugu Argagaxisada badan Africa.

New York , Arbaco, 30 April 2008 Xogta Online

Warbixin dheer oo ay soo saartay Wasaarada arrimaha dibada Mareykanka ayaa lagu sheegay in Somalia ay tahay dalka ugu argagaxisada badan qaarada Africa.

Mareykanka ayaa sheegay inay Somalia noqotay dal ay isku aruursadaan kooxaha Argagaxisada ah ee caalamka ku sugan isla markaana muddooyinkii ugu dambeeyay laga furayay xerooyin lagu tababaro kooxaha Argagaxisada ah.

Waxa warbixinta sidoo kale lagu sheegay inay magaalada Muqdisho ku sugan yihiin kooxo Argagaxiso ah oo Mareykanka aad u raadinaya kuwaasoo dhibaatooyin kasoo geystay dalal badan oo caalamka ka tirsan.

Waxa ay sidoo kale warbixinta ku sheegeen in Ganacsatada Soomaaliyeed qaarkood ay taageeraan kooxaha Argagaxisada ah ee Somalia ku sugan isla markaana ay siiyaan lacago badan.

Warbixintaan oo dheereed ayaa sidoo kale lagu sheegay inay xiriir leeyihiin burcad badeedka Soomaalida iyo kooxaha Argagaxisada Caalamiga ah.

Dagaalyahanada Al-Qaeda ee bariga Afrika iyo ururka Al-Shabaab ayaa ah caqabadaha argagixisanimo ee Mareykanka iyo dalalka kale ee gobalka daneeya ay aadka uga walwalayaan”ayaa lagu yiri war saxaafadeed ay soo saartay wasaarada arrimaha dibada laanta ugu qaabilsan ka war bxiinta argagixsanimada dalalka caalamka,sida aanu kasoo xiganay boga wararka ee Teleefishinka CNN ee dalka Mareykanka.

Dowlada Mareykanka ayaa caadeysatay dalalka ay daneyneyso inay gudaha u galaan ciidamadeeda ku tilmaamto inay ka jiraan kooxo Argagaxiso ah oo ammaanka Calaamka Caalamka dhibaato ku haya.

Xogta Online

Contac Us: xogtasom@gmail.com