Nairobi, Khamiis, May 1, 2008 Xogta Online
Xulka kubada cagta qaranka Soomaaliyeed ee da'doodu ka hooseyso 20 sano kana qeyb galaya horyaalka dhalinyarada Afrika ayaa lagu xiray garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee dalka Kenya muddo 16 saacdood ah.
Kooxda Qaranka oo lugtii hore ee cayaarahan oo ka dhaceday dalka Jabuuti xulkka Kenya kaga badisay 2-1 ayaa u tagtay dalka Kenya in ay qeybta kale ee cayaarta la yeeshaan xulka Kenya,hase ahaatee garoonka Jomo Kenyatta International Airport ayaa lagu xiray maalintii Isniintii abaara 9.30pm, waxaana lasii daayay maanta 1.30pm.
Xoghayaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadea cagta Cabdi Qani Saciid carab ayaa ku eedeeyay masuuliyiinta waaxda socdaalka Kenya talaabda ay xulka qaranka ku xireen.
"Liiska cayaartoyda iyo saraakiisha la socota horay ayaan masuuliyiinta Kenya ugu gudbinay gaar ahaan kuwa kubada caghta,laakin waxaan la yaabanahay in maanta uun ay iyaguna usii gudbiyeen saraakiisha socdaalka”ayuu si kululu yiri xoghayaha kubada cagta Soomaaliya cabdi Qani siciid carab oo wakaaladaha wararku ay soo xiganayeen.
"Waxaan aad uga xunahay in soo dhaweyn ceynkan kale ah aan kala kulano Kenya,oo anaguna aan soo dhaweyn aad u wanaagsan ugu sameynay jabuuti”ayuu mar kale yiri cabdi Qanic Siciid Carab.
Xulka Qaranka Soomaaliya waxaa uu cayaarta labaad la yeelanayaa Kenya maalinta sabtida ee inasoo aadan.
Xulka Soomaaliya cashar lama ilaawaan ah ayay Xulka Kenya kusoo siiyeen jabuuti,hase ahaatee lama garanayo sida uu ku dhamaan doono loolanka adag ee labada dhinac ay Yeelanayaan Sabtida,waxaanse xulkeena u rajeyneynaa guul.
Nasteexo Qareexa
Xogta Online
Nairobi - Kenya
Email: qaraaxo12@hotmail.com
|