Washington , Khamiis, May 1, 2008 Xogta Online
Dowlada Mareykanka ayaa ka hadashay duqeyn Diyaaradaheeda ka geysteen bartamaha Somalia gaar ahaan magaalada Dhuusa Mareeb.
Wasiirka Difaaca Mareykanka Robert M. Gates ayaa sheegay inay ku guuleysteen duqeyn ay diyaaradooda ka geysteen magaalada Dhuusa Mareeb ee dalka Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in duqeyntaasi ku dileen saraakiil sar sare oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo uu sheegay inay ahaayeen kooxo Argagaxiso ah oo dhibaato ku hayay gudaha iyo dibada qaarada Africa.
Wasiirka wuxuu sheegay in ay dileen xubno isugu jira Soomaali & Ajnabi ka wada tirsanaa Ururka la yiraahdo Al-Shabaab ee ka howlgala dalka Soomaaliya, ayagoo sheegay in ay talaabtaasi ahayd mid weyn.
Duqeyntan ayuu Wasiirka ku sheegay midii ugu waxtar badneyd ee ka dhacda dalka Soomaaliya sannadahan, iyagoo sheegay in ay dileen xubno uu ka mid yahay Hogaamiyihii Ururka Al-Shabaab Aaden Xaashi Ceyrow & Masuuliyiin kala intastoo aysan faahfaahin raacin.
Si la mid ah waxaa hadalkaan usoo dhaweeyey masuul sare oo ka tirsan Dawladda Faderaalka ee Soomaaliya oo magaciisa ku soo gaabshay Maxamed Cabdi joogana magaalada Baydhabo, wuxuuna sheegay in uu yahay falkii ugu wanaagsanaa luguna beegsaday dad ka soo horjeeda Qaranimada Soomaaliya.
Shalay ayay aheyd markii Warbixin ay soo saartay Wasaarada arrimaha dibada Mareykanka lagu sheegay in Somalia ay tahay dalka ugu Argagaxisada badan qaarada Africa.
Si kastaba ha ahaatee, diyaaradaha Mareykanka ayaa inta badan duulimaadyo xiliyada habeenkii ka sameeya gobolada Soomaaliya kuwaasoo baadi goobaya kooxo ay Argagaxiso ku tilmaamaan oo ay sheegaan inay Somalia ku sugan yihiin.
|