Dhuusa Mareeb, Khamiis, May 1, 2008 Xogta Online
Macalin Aadan Xaashi Ceyroow oo kamid ahaa hogaamiyaasha ugu sareeya Shabakada Al-Shabaab ayaa xalay geeriyooday kadib markii guri uu ku jiray oo ku yaala xaafada Waaberi ee magaalada Dhuusa Mareeb lala beegsaday gantaan kasoo dhacay diyaaradaha Mareykanka.
Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali “Abuu Mansuur” ayaa Saxaafada u sheegay inuu geeriyooday Marxuum Aadan Xaashi Ceyroow isla markaana ay la geeriyoodeen qaar ka tirsan saraakiisha Xarakada Al-Shabaab.
“Waxaan u sheegayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo mujaahidiinta dhamaan iney shahiideen labo walaal oo qiimo weyn ugu fadhiyey shacabka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah, ka dib markii cadawgu ay weerar gardaro ah ku soo qaaday guri ay ku jireen oo ku yaala magaalada Dhuusamareeb, waxaana ay kala yihiin Sheekh Muxyadiin Maxamed Cumar iyo mujaahidkii shaabka ahaa Macalin Aadan Xaashi Ceyrow, waxaana ILAAHAY ugu bareyeyna inuu ka aqbalo shahaaadada” ayuu yiri Abuu Mansuur.
Abuu Mansuur waxuu sheegay xili ay saraakiishaasi ku sugnaayeen guri ku yaala bartamaha Dhuusa Mareeb ay gantaan la beegsaday diyaarad ay leedahay dowlada Mareykanka.
“Waxaa ku hogaaminayay dad Soomaali ah oo hagayay diyaaradaha Mareykanka, waana ku daba joognaa waxaana wacad ku marayaa inaan soo qaban doono dadkaasi meel kasta oo ay tagaan isla markaana sharciga la waafajin doono” ayuu yiri Abuu Mansuur.
Afhayeenka waxuu sheegay inaysan marnaba niyad jab ku imaan doonin ciidamada Al-Shabaab meel kasta oo ay joogaan, isla markaana ay wadi doonaan dagaalada ay kaga soo horjeedaan Dowlada Federaalka iyo Ethiopian-ka.
“Madaxda DF, gaar ahaan Cabdilaahi Yuusuf ma u maleynaayi maanta kadib inuu adduunka korkiisa ku raaxeysan doono, saacadaha soo socda ayuuna war kala cadaan doonaa” ayuu ku goodiyay Abuu Mansuur.
Afhayeenka waxuu sheegay inay jiraan arday badan oo Macalin Aadan Xaashi Ceyroow tababaray kuwaasoo diyaar u ah inay naftooda u huraan difaaca Diinta iyo Dalka Somalia.
Dadweynaha ku dhaqan magaalada Dhuusa Mareeb ayaa faagaya guriga uu gantaalka ku dhacay kaasoo dhamaantiis dhulka galay.
Dadweynaha qaarkood ayaa sheegay inaan la kala garan karin meydad la helay oo inta badan jirkooda baaba'ay isla markaana hilmo jarjar dhulka laga helay.
Si kastaba ha ahaatee, Macalin Aadan Xaashi Ceyroow ayaa kamid ahaa mujaahidiinta Soomaaliyeed ee sida aadka ah ula dagaalama ciidamada cadawga ee gudaha Somalia ku sugan, iyadoo geeridiisa ay kor usii qaadi karto niyada Shabaabka ee ku aadan la dagaalanka DF iyo ciidamada Ethiopian-ka.
|