Golaha Dhexe ee Ururka dib u xoraynta somaliya ayaa maanta shir ugu Furmay Magaalada Jabuuti.

Adis ababa, Talaado, May 14, 2008  Xogta Online
 

Dalka Jamhuuriyada Jabuuti ayaa maanta martigaliyey Shirweyne ay iskugu yimaadeen Mucaaradka dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ,kuwasoo horey uga soo baxay Magaalada Asmara oo ay mudo joogeen.

Hogaamiyaasha Isbaheysiga dibu xoreynta Soomaaliya ayaa maanta khudbado ka jeediyey furitaankii shirkaasi ,waxa ayna ku dhawaaqeen in loo baahan yahay in laga shaqeeyo Nabadgalyada dalka Soomaaliya.

Shirkan waxaa looga hadlayaa maalmaha uu socdo waxyaabihii ka qaldamay Ururkan & Fulinta qodobadii ay dhawaan ku saxiixeen Magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyadan Jabuuti ,waxaana soo baxaya warar ku aadan Ajendayaal kale oo shirkaasi lugu soo qaadi doono.

Qodobadii Shirkii maanta lugu soo qaaday waxaa sidoo kale ku jirey sidii looga shaqeyn lahaaa wada gadalo dhexmara labada garab ee uu kala noqday Isbaheysigii markii hore loo dhisay ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

160 Xubnood oo shirkan maanta lugu furay ayaa 40 ka mid ah oo uu wato Hogaamiyaha Isbaheysigaasi Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa ay aadeen dalka Yemen ,ayagoo halkaasi uga qeybgalaya shir lugu dhexdhaxaadin doona dhinacyadaasi.

Furitaanka shirkan ee Magaalada Jabuuti ,wuxuu ku soo beegmay xili sidoo kale Magaalada Asmara uu ka furmay shirkale oo looga hadlayey ilsa xaalada kan maanta looga hadleyey ,inkastoo ay kooxda Asmara ka soo horjeedo heshiiskii Magaaladan Jabuuti lugu gaaray.

 

Xogta Online

Contac Us: xogtasom@gmail.com