Washington , Jimco, May 2, 2008 Xogta Online
Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xalay ilaa saaka madaafiic culus ay ku dhaceyso gudaha dekada magaalada Kismaayo.
Madaafiicdaan ayaa waxaa soo tuuraya sida la xaqiijiyay maleeshiyo raceysan oo ay ehel wadaag yihiin Xil. Barre Aadan Shire "Barre Hiiraale" kuwaasoo buuro ka baxsan magaalada la fuulay Madaafiicda isla markaana kusoo tuuraya dekada.
Howlihii dekada Kismaayo ayaa maanta gabi ahaanba istagaaya, iyadoo ay jiraan maleeshiyooyin kale oo ka amar qaata Ganacsatada Kismaayo oo is abaabulaya kuwaasoo doonaya inay weerar ku qaadaan Maleeshiyada ehelka yihiin Xil. Hiiraale ee madaafiicda ku garaaceysa dekada Kismaayo.
Lama oga ilaa iminka khasaaraha rasmiga ah ee madaafiicdaan dhalisay, iyadoo ay jiraan burbur soo gaaray gudaha dekada Kismaayo.
Xiliga garaacista madaafiicda ka bilaabaneysay dekada Kismaaayo waxaa dhamaanba faarujiyay doomihii ku xirnaa maalmihii ugu dambeeyay kuwaasoo u jeestay dhinaca xeebaha gobalka Jubbada Hoose.
Si kastaba ha ahaatee, maleeshiyooyinka ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose waxaa caado u noqotay mararka ay soo wajahdo mishaar la'aan kaga timaado dhinaca maamulka gobalkaasi inay isbaarooyin dhigtaan ama ay carqadeeyaan howlaha shaqo ee dekada Kismaayo. |