Muqdisho, Jimco, May 2, 2008 Xogta Online
Ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka Somalia oo marayay agagaarka Kuliyadii Jaale Siyaad ee magaalada Muqdisho ayaa lagu soo waramayaa in weerar gaadmo ah lagu qaaday.
Weerarkaan oo loo adeegsaday bambooyinka gacanta laga tuuro ee F1 ayaa geystay dhimashada askari iyo dhaawaca saddex kale oo dhamaantood ka tirsanaa ciidamada DF.
Kadib weerarkaasi, ayay labada dhinac is dhaafsadeen rasaas culus oo keentay dhimashada qof rayid ah iyo qasaaro soo gaaray guryaha u dhowaa goobta uu dagaalkaan ka dhacay ee Kuliyadii Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho.
Kadib daqiiqado marka ay kasoo wareegtay weerarka waxaa goobta soo buux dhaafiyay ciidamo aad u fara badan oo Dowlada KMG ah ka tirsan, kuwaasoo dadweyne rayid ah oo aan waxba kala socon arinta xir xiray.
Dhinaca kale, Ciidamo Ethiopian ah ayaa saaka qarax xoogan lagula beegsaday wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.
Ciidamadaan oo marayay agaarka Shineemo Somalia ayaa lagu soo waramayaa in lala beegsaday qarax loo adeegsaday miinooyinka dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago taasoo khasaaro kasoo gaartay ciidamadaasi.
Goobjooge ayaa Saxaafada u sheegay in xili ay ciidamadaan baaritaano ka wadeen wadadaasi uu dhacay qaraxaasi, kaasoo dhaliyay dhaawaca afar askari oo Ethiopian ah.
"Nafta ayaa ii ogolaaneynin inaan goobta sii joogo, balse qarax marka uu dhacay waxaan arkay ugu yaraan afar askari oo Ethiopian ah oo dhulka yaala, kuwaasoo ay qaadayaan saaxiibadooda, waxaana dhici karta inuu khasaaraha intaasi ka badan yahay" ayuu yiri goobjoogaha.
Kadib qaraxa ayay ciidamada Ethiopian-ka galeen guryaha iyo goobaha Ganacsiga ee ka ag dhow xarunta Shineemo Somalia, kuwaasoo dad badan u xir xiray qaraxaasi.
Si kastaba ha ahaatee, qaraxyadaan ayaa kusoo begmaya xili ammaanka Muqdisho maalmihii ugu dambeeyay xoogaa uu ka wanaagsanaa toddobaadyadii lasoo dhaafay. |