Kenya oo ciidamo soo dhoobtay xadka ay la wadaagto Somalia.

Nairobi, Jimco, May 2, 2008 Xogta Online

Dawlada Kenya ayaa ciidamadii ugu faraha badnaa soo dhigtay Xadka ay Soomaaliya la wadaagto, xilli dagaalo ay ka soo cusboonaadeen Gobolka Gedo.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Kenya ayaa saxaafada u sheegay in ciidamada la dhigay Xuduuda ay tahay mid ammaanka lagu xoojinayo, isla markaana ay kaga hortagayaan falalka halista gelin kara ammaanka dalka Kenya.

Warar kale oo laga helay Booliska Kenya ayaa sheegaya in Ciidamada la soo dhoobay Xuduuda ay adkeynayaan ammaanka xuduuda, si aysan u dhicin weeraro laga baqayo in ay qaadaan Kooxda Al-shabaab oo hanjabaadyo soo saaray.

Kadib markii ay soo baxeen in weerar dhinaca duqeyn ah lagu dilay Hogaamiyaha Ururka Al-shabaab Sheekh Aadan Xaashi Ceyroow ayaa waxaa la heegan geliyay deegaanada Gobolka Kenya ee uu xuduudaha ula wadaago Gobolada Soomaaliya.

Kooxdan ayaa sheegtay in ay u aargudi doonto hogaamiyahooda, isla markaana ay beegsan doonaan dalalka Mareykanka uu saaxibka la yahay iyo Dawlada Federaalka.

Xuduuda Kenya oo muddo sanad iyo bar ay xirneyd dagaalada Soomaaliya ka socday awgiisa ayaa bilo ka hor la furay, waxaana adkaa gelitaanka dadka ka qaxaya Soomaaliya, dawlada ayaa xirtay xuduudeeda dagaaladii maxkamadihii islaamiga iyo Ciidamada Itoobiya ee taageerayay kuwa dawlada dhamaadkii sanadkii 2006-da.

Nasteexo Qareexo
Xogta Online
Nairobi - Kenya
Email: qaraaxo12@hotmail.com

Xogta Online

Contac Us: xogtasom@gmail.com