Baydhaba, Jimco, May 2, 2008 Xogta Online
Ra'iisul-wasaare Dowlada KMG ah ee Somalia Nuur Xasan Xuseen "Nuur Cadde" ayaa si kulul u cambaareeyay dhacdadii maalnimadii Arbacada ka dhacday gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, halkaasoo ciidamada Ethiopia ay ku dileen inka badan 15-ruux oo rayid ah.
30-kii bishii hore, Agagaarka Saldhig-yaraha ee magaalada Baydhabo waxaa ka dhacay qarax lala eegtay ciidamada Ethiopia, ka dibna rasaas ay fureen ciidamadaasi durbadiiba waxaa ku geeriyooday 10 ruux oo rayid ah, inkastoo tirada qasaaraha markii ay sii korortay.
Nuur Cadde ayaa tilmaamay in falkaasi si aad iyo aad uu uga xumaaday, isla markaana wuxuu xusay in ciidamada Ethiopia ee jooga magaalada Baydhabo gabood-fal ay geesteen.
Si kastaba ha ahaatee, ma'ahan markii ugu horeysay oo ciidamada Ethiopia dad rayid ah oo wax-dhibaato ah geesan ku dilaan gudaha magaalada Baydhabo. |