Muqdisho, Sabti, May 3, 2008 Xogta Online
Ra'iisul-wasaaraha Dawlada Federaalka Soomaaliya Nuur Xuseen Xasan (Nuur Cadde) ayaa dib ugu soo laabtay xarunta Soomaaliya ee Muqdisho ka dib booqasho uu ku tagay xarunta gobolka Bay ee Baydhabo oo xarun ku meel gaar ah u ah Baarlamaanka Dawlada Federaalka Soomaaliya.
Ra'iisul-wasaaraha ayaa intii uu joogay Baydhabo ka qaybgalay kulamada Baarlamaanka oo uu kala kulamy su'aalo kulul oo ay ku waydiiyeen xubnaha Baarlamaanku.
Xildhibaanada ayaa Ra'iisul-wasaaraha waydiiyay su'aalo la xiriiray waxa ay dawladiisu qabatay mudadii ay jirtay, Ra'iisul-wasaaraha ayaa isku dayay inuu uga jawaabo su'aalahaas jawaabo qanciya xildhibanada, wuxuu u sheegay in xukuumadiisu hawlaheeda xooga ugu badan ay galisay xagga dib u heshiisiinta iyo nabadgalyada, isagoo tilmaamay in ay hawlahasi si muuqata meel fiican ay u marayaan, kulamada oo xaraarad badan lahaa ayaa kusoo dhamaaday jawi isqancin iyo balamid.
Ra'iisul-wasaaraha ayaa maanta markuu kusoo noqday Muqdisho waxaa kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan labada gole iyo saraakiisha ciidamada. |