USA oo ugu baaqday DF Somali inay joojiso caburinta ay Saxaafada ku heyso.

Nairobi, Sabti, May 3, 2008 Xogta Online

Safiirka dowlada mareykanka u fadhiya dalka Kenya Michael Ranberger oo galabta Wereysi dhinacyo badan taabanaya siiyay Saxaafada Muqdisho ayaa waxa ugu baaqay DFKM in ay joojiso Caburinta ay ku hayso Saxaafada xorta ah
xili maanta magaalada Muqdisho laga xusay Xuska maalinta Saxaafada Aduunka,waxaana safiirka uu sheegay in aan loo baahneeyn in saxaafada la dhibaateeyo lana xiro idaacadaha Muqdisho.

Safiirka Mareykanka u fadhiya dalka kenya ayaa waxaa uu sheegay in dowlada Mareykanka ay soo dhaweyneyso wada hadalka ka furmaya Jabuuti, waxaana uu sheegay in wada hadalka ay diidanyihiin Ururka al shabaab bale isbahaysiga uu diyaar u yahay wadahadalkaas islamarkaana dowlada mareykanka ay taageereynin hadii al shabaab ay ka qeyb galayaan shirkaasi.

Mar Saxaafada ay wax ka weydiisay duqeyntii uu dhawaan mareykanka ka gaystay degmada dhuusa mareeb ee Gobolka gal gaduud islamarkaana ay ku dileen xubno ka tirsan ururka Al,Shabaab ayaa waxa uu sheegay in dowlada Mareykanka ay ku saxsaneed arinkaasi sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu beeniyay wararka sheegaya in Ciidamada Ethiopia ay dileen dad culamaa'udiin ah,waxaana uu sheegay in Ciidamada KMG iyo kuwa Ethiopia ay wax weyn ka qabteen dalka Somalia.

Safiirka mareykanka mar wax laga weydiiyay in dowlada DFKM ay gacanta ku haynin inta badan gudaha dalka Somalia ayaa waxa uu ku jawaabay in ay la wareegi doonto DFKM.

Hadalka Safiirka Mareykanka ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili dhawaan diyaaradaha mareykanka ay duqeeyeen degmada dhuusa mareeb ee Gobolka gal gaduud islamarkaana ay ku dileen xubno ka tirsan ururka al shabaab.

Xogta Online

Contac Us: xogtasom@gmail.com