Jowhar, Sabti, May 3, 2008 Xogta Online
Cutubyo ka tirsan milateriga Itoobiya oo aad u hubeysan ayaa maanta gaadhay magaalada Jawhar ee gobalka shabeelaha dhexe.
Ciidamada oo ku hubeysan ku dhawaad labaatan baabuurta dagaalka ayaa ka tagay subaxnimadii saaka Dagmada Afgoye ee gobalka shabeelaha hoose.
Magaalada jawhar iyo meelo ka mid ah gobalka shabeelaha dhexe ayaa ah goob ay soo baneeyeen maamulkii dawlada faderaalka ay halkaas u soo magacowday.
Waxaana la sheegay in tagitaanka ciidamada Itoobiya ay tahay howlo lagu xoojinayo maamulka magaaladaas iyo guud ahaan gobalkaba.
Ciidamada dawlada ee ku sugan magaaladaas ayaa waxaa la sheegay in loo furi doono tababar iyo dhaqan gelin lagu sameynayo, waxaana ciidamada oo u ek hab qabiileed loo badali doono ciidamo qaran oo la isku dhafo.
Mas'uuliyiinta gobalka shabeelaha dhexe oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa lagu wargeliyay in ay ku laabtaan magaalada Jawhar oo ay ugu soo baxeen itaal daro dhanka ciidamada.
Kooxaha ka soo horjeeda dawlada faderaalka ayaa dhowr jeer soo weeraray magaalada Jawhar, taasoo xubnaha maamulka ay u suura geli weyday in magaalada ka sii howl galaan, taasoo ay maciin bideen in ay ka soo baxaan.
Waa markii labaad oo ay ciidamada itoobiya tagaan magaalada Jawhar, horaantii bishii hore ayay aheyd markii ciidamadan ay tageen xarunta gobalka shabeelaha dhexe ee Jawhar, waxaase ay soo baneeyeen maalmo kadib markii ay howl galo ka sameeyeen magaalada. |