Odoyaasha Hawiye oo cambaareeyay duqeyntii Dhuusa Mareeb ka dhacday.

Muqdisho, Sabti, May 3, 2008 Xogta Online

Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Hawiye ayaa warsaxaafadeed ay maanta Soo Saareen waxaa ay ku canbaareeyay duqeeyntii ay dhawaan ka Geeysteen ciidamada Mareeykanka degmada Dhuusa Mareeb ee gobolka Galgaduud iyo sidoo kale Duqeeyn ay ciidamada Mareeykanka ay kula dhaqaaqeen Deegaano ka Tirsan Dalka Somalia.

Kadib shir Ay isgu Yimaadeen Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maanta ayaa waxay Canbaarayn Kulul ujeediyeen Dowlada Maraykanka Taasi oo Ku Aadanayd duqayntii ay kagaysatay Dalka Somalia.

Dowlada Maraykanku waxa ay Duqayn aan loo aabe yeelin ka gaysatay gooba ay ka midyihiin deegaanada Raas kaanbooni,Baargaale,Dhooblay iyo Dhuusa Mareeb oo Ah tan ugu danbaysay oo ciidamada Maraykanku xili habeen madow ah ay duqeeyeen taasoo ay ku Sheegeen odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Hawiye in loo Adeegsaday hubka loo yaqaan Cruise Missiles iyo hubka Caalamka Mamnuuca ka ah Adeegsigiisa.

Golaha ayaa intaa ku darey in ay taasi cadayn u tahay dadkii ku dhaawacmay iyo dadkii ku noolaa Deegaanada ay Duqeeyeen Ciidamada Maraykanka iygoo Sheegay in Duqayntaasi ay ka ladhaltay Caafimaad Daro ay ka mid yihiin Indho la’aan shuban, Biyood iyo cuduro kale oo dhibaato u keeni kara dadka shacabka ah ee ku nool halkasi.

Ciidamada Mareyknaka waxaa ay ku laayeen halkasi shacab somalied oo isgu jira Caruur,haween iyo Waayeel iyo Weliba duunyadii ay dhaqanayeen ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ay soo saareen Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Hawiye.
Sidoo kale Waxaa ay golaha Nasiib Daro ku Tilmaameen in Beesha Caalamka Sida Jaamacada Carabta iyo Dowladaha Islaamka ay ka Aamuseen Dhimaatada joogtada Ah ee ay dowlada Mareeykanka ka Wado dalka Somalia.

Ugu danbayntii shacabka Mareykanka waxaan u cadeynaynaa baa lagu Yiri Warsaxaafadeedka in dowlada mareykanka ay leedahay Masuuliyada xasuuqa ka dhacaya dalka Soomaaliya ayna abuurtay Cadowtinimo u dhexeysa laba dal,sidaa darteed waxaan ka codsanaynaa beesha caalamka in ay Soomaaliya u soo diraan qubara baarta oo aqoon u leh hubka halista ah noocyadiisa kala duwan si ay u ogaadaan dhibaatada uu gaystay hubka wax gumaada ee lagu garaacay qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya sida 1- Raas kaanbooni,Baar-gaale,Dhoobleey iyo Dhuusa-mareeb.

Xogta Online

Contac Us: xogtasom@gmail.com