Xaalada Kismaayo oo kacsan kadib duqeyn loo geystay dekada.

Kismaayo, Sabti, May 3, 2008 Xogta Online

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose ayaa sheegaya in ay maanta xaalada Magaaladaasi kacsan tahay ,markii ay shalay Kooxo hubeysan weerar xoog leh ku qaadeen Dekeda weyn ee Magaalada Kismaayo.

Saraakiisha Dekeda joogta ayaa sheegay in khasaare weyn shalay soo gaaray meelaha ku xirtaan Maraakiibta & Doonyaha soogaara Marsada Magaalada Kismaayo ,ayagoo sheegay in hubka ay soo ridiyeen Maleeshiyaadku ahaa mid culus.

Kacsanaanta waxa ay ka dambeysay markii Hanjabaado ay ka soo yeereen qaar kamid ah Xubnaha horjooga Maleeshiyaadka suga amaanka Magaalada Kismaayo ,ku aadan talaabo ay ka qaadayaan Kooxahan.

Odayaal dhaqmeedka gacanta ku haya talada Magaalada Kismaayo ayaa wadey dadaalo ay ku doonayeen in ay wax kaga qabtaan xaaladaha qalafsan ee soo wajahay magaalada Kismaayo.

Xubnahan ayaa shalay galab utagey Kooxaha Maleeshiyaadka ee Buuraha magaalada udhaw fuushan ,waxa ayna ka codsaden in aysan mar dambe dhicin garaac ay ku sameeyaan Marsada Magaalada.

Maleeshiyaadku ma aysan go’aanka Odayaasha ,waxa ayna usheegeen Odayaasha in ay doonayaan in aysan meeshaasi waxba ka soo dagin ilaa laga siinayo Mushaarkooda ay ku leeyihiin.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo magaalada jooga uuna hor socdo Xildhibaanka Barre Aaden Shire (Hiiraale) ayaa lasheegayaa in uu la hadlay Kooxaha Maleeshiyaadkaa balse ay waxba ka maqli waayeen.

Talaabooyinkan ka socda Magaalada Kismaayo maha ,kuwa cusub waxa ayna soo socdeen mudo badan tan & 22-April-2007-dii markii ay Magaalada Kismaayo ka baxeen ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed.

Xogta Online

Contac Us: xogtasom@gmail.com