|
||||
Madaxweyne C/nuur Darmaan oo ka hadlay xaalada ugu dambeeya Somalia, eedeyna u jeediyay DF iyo Ethiopian-ka. |
||||
Muqdisho, Axad, May 4, 2008 Xogta Online
Madaxweynaha oo isagoo ku sugan dalka Qubrus wareysi gaar ah siiyay Tifaftiraha Shabakada Xogta.com Abdifitahaam Ahmed, ayaa sheegay inuu Qubrus u joogo howlo balaaran oo arrimaha Somalia ku aadan iyo sidii madaxda wadamada daneeya Somalia ugu hadli lahaa qaabka xalaada Somalia iyo nabad kusoo labaadilada guud ahaan dalka. Mar wax laga weydiiyay inay jiraan dowlado aqoonsan jiritaanka Xukuumadiisa, ayuu sheegay inay jiraan dowlado badan oo aqoonsan inuu yahay Madaxweynaha Somalia isla markaana kala hadla inta badan xaalada Somalia. "Inta badan xasbiyada dalal dhowr ah waxaan ka deynayay maxaabiis Soomaali ahaa oo Imagaration-ada dalalkaasi heysteen, inagoo nagu tixgaliyay inaan nahay madaxda Dowlada Somalia" ayuu yiri Darmaan. Mar sidoo kale la weydiiyay halkii ay ku dambeeyeen mas'uuliyiintii dowladiisa ka tirsaneed, maadaama inta badan Saxaafada uu kaligii ka hadlo ayuu yiri "Madaxda dowladeyda waxey joogaan gudaha dalka qaarkood kuwana dibadaha ayay jiraan oo inta badan waxaan wadnaa howlo ku aadan nabadeynta Soomaaliya". Waxa uu sheegay inuu ka xun yahay falkii argagagaxa lahaa ee ciidamada Ethiopian-ka si bareer ah magaalada Muqdisho ugu gooraceen Culumaa'idiin Soomaaliyeed, isagoo sheegay inay Caalamka arintaasi u bandhigeen. "Arrintaasi waa mid fool xun oo fuleynimo ah, waxey cadeyneysaa hadal mar hore aan ka dhawaajinay oo ahaa inay ciidamadaan Ethiopian-ka iyo qolooyinka Soomaalida la shaqeeya ay xasuuq wadaan isla markaana dadweynaha u gooracayaan sida xoolaha oo kale" ayuu yiri Darmaan. Mar wax laga weydiiyay inay jiraan ciidamo xisbiga Jamhuuriya ka tirsan oo gudaha Somalia kula dagaalama ciidamada Ethiopian-ka ayuu ka gaabsaday arrintaasi isagoo sheegay inaysan Soomaalida u kala harin howlaha Muqaawamada ee dalka loogu bixinayo ciidamada Ethiopian-ka. Waxa uu sheegay inuu Israel kala hadlay qaxooti Soomaali ah oo dalkaasi ku dhibaateysan iyo kuwa xabsiyada qaarkood ku jira, waxuuna sheegay in lasii daayay lana siiyay goobo ay ku noolaadaan isla markaana la fasaxay kuwii socdaal ama tahriib ahaa inay safarkooda wataan. Mar sidoo kale la weydiiyay waxyaabaha uu u qabtay Soomaalida ka qaxday magaalada Muqdisho ayuu sheegay inuu deeqo badan Soomaalidaasi gaarsiiyeen isla markaana mar walba uu ka danqanayo dhibaatada Soomaalidaasi heysata. Madaxweyne Darmaan waxa uu sidoo kale sheegay inaysan ka qeyb galeynin shirka dhawaan kooxaha Soomaalida ugu furmi doona magaalada Jabuuti, isagoo sheegay inaysan wax wada hadal ah galeynin inta ciidamada Ethiopian-ka ee gudaha Somalia ku sugan yihiin. Waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay duqeyn dhawaan ciidamada Mareykanka ka geysteen xarunta Galgaduud ee Dhuusa Mareeb halkaasoo lagu dilay Hogaamiye Al-Shabaab ka tirsanaa Allaha u naxariistee Marxuum Macalin Aadan Xaashi Faarax "Ceyroow". Si kastaba ha ahaatee, hadalka Madaxweyne Cabdinuur Darmaan ayaa kusoo beegmaya xili 10-bishaan May lagu balansan yahay shirweyne ka dhaca dalka Jabuuti oo lagu heshiisiinayo kooxaha Soomaalida ayna garwadeen ka tahay Qaramada Midoobay.
Abdifitahaam Ahmed |
||||
Xogta Online |
Contac Us: xogtasom@gmail.com |
|||