Beledweyne, Axad, May 4, 2008 Xogta Online
Dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa eedeyn ujeedisay Dawlado badan oo carbeed, kuwasoo ay ku sheegtay in ay qeyb ka yihiin Nidaam & Nabadgalyo la’aanta ka taagan dalka Soomaaliya.
Masuul sarre oo ka tirsan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan dawladaha Carbeed qaarkood dooneyn in ay Soomaaliya ka dhacdo nabad wanaagsan ayna sidaasi usameynayaan danogaar ah oo ay ka leeyihiin.
Masuulkan oo ka gaabsaday Magaciisa balse ka tirsan Wasaarada Arimaha dibada ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay dawladahan Qadar ,Jordan & Masar ay ka talinayaan dhibaatada Soomaaliya oo sii socota.
“ Dawlada Qadar ,Jordan & Masar waxa ay doonayaan dhibaatada Soomaaliya oo sii socota ayagoo eeganaya dano gaar ah oo ay ka leeyihiin dalka Soomaaliya ,waxa ayna Hub & Dhaqaaleba ku taageereen oo aan og nahay Kooxaha diidan nabadgalyada dalka Soomaaliya” Ayuu yiri Diblumaasigan oo jooga Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya.
Wuxuu ku sheegay in ay dawladahaasi Xiriir wanaagsan la laheyn dawladda Itoobiya ayna markaasi doonayeen in ay Soomaaliya ka sii socdaan dagaalada & rabshadaha Mudo uu ku soo jirey dalka Soomaaliya.
Diblumaasigan wuxuu ugu baaqay dawladahaasi inay ka fiirsadaan falal ay falayaan & Dhibaatada ay ufalkinayaan Umada Soomaaliyeed ,isagoo xusay in ay Taariikhdu qoridoonto dhamaanba falalkaasi ay ku dhaqaaqayaan.
Eedayntan ka timid Masuulkan ka tirsan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya waxaa been ku tilmaamay Hogaamiyaha Isbaheysiga Asmara oo hada jooga Magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Balse wuxuu sheegay Hogaamiyahaasi in ay dawladaha Carbeed ka helaan Dhaqaale & Taageero siyaasadeed oo kaliya ,wuxuuna ugu sheegay dawladdaha Carbeed in ay Ururkooda gacan qabtaan.
Xukuumadii ore ee Cali Maxamed Geedi waxa ay eedayn balaaran horey ugu soo jeedisay dawlado badan oo ka mid tahay dawlada Masar oo ay ku sheegtay in ay hurineyso dhibaatada Soomaaliya.
|