Jowhar, Axad, May 4, 2008 Xogta Online
Ciidamo Ethiopian ah oo aad u hubeysan ayaa shalay galinkii dambe gaaray duleedka magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelaha Dhexe.
Ciidamadaan oo wehliyaan 12-gawaari oo URAL ah ayaa shalay duhuradii ka baxay magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia, waxeyna fariisimo ka dhigteen goob 2-KM dhinaca Waqooyi kaga beegan magaalada Jowhar ee xarunta Shabeelaha Dhexe.
Ciidamadaan ayaa qaarkood saaka kusoo fideen gudaha magaalada Jowhar iyagoo howl-galo baaritaan ka bilaabay magaalada, balse ma jiraan cid ay xir xireen ilaa iminka.
Odoyaasha degmada Jowhar ayaa kulan la leh saacadaha soo socda saraakiisha wadata ciidamada Ethiopian-ka, iyadoo la sheegay inay Odoyaasha diidan yihiin joogitaanka magaaladooda ee ciidamada Ethiopian-ka isla markaana ugu baaqi doonaan inay ka baxaan magaalada.
Dadweynaha ku dhaqan Jowhar ayaa farta wadnaha ku haya, kuwaasoo ka cabsanaya dagaal gudaha magaalada ku dhex mara ciidamada Ethiopian-ka iyo xoogaga kasoo horjeeda ee dhawaanahaan kusoo noq noqonayay magaalada Jowhar.
Goobaha Ganacsiga ee magaalada Jowhar ayaa xiran inta badan, kadib markii ay gudaha usoo galeen ciidamada Ethiopian-ka lagana cabsi caqo inay dhac ka geysteen sida caadata u aheyd gudaha magaalada.
Lama oga ilaa hada inay ciidamada Ethiopian-ka sii degnaan doonaan magaalada Jowhar iyo inay socdaalkooda sii wadan doonaan, iyadoo tagitaankooda kusoo beegmaya xili dhawaan Ra'iisul-wasaare Nuur Cadde uu sheegay in gobolada Sh/Dhexe iyo Hiiraan ay gaari doonaan ciidamo Ethiopian-ka.
Si kastaba ha ahaatee, magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Sh/Dhexe ayaa ah magaalada ay inta badan soo galaan Maxkamadaha Islaamiga oo kasoo horjeeda joogitaanka ciidamada Ethiopian-ka iyo DF. |