Baydhaba, Axad, May 4, 2008 Xogta Online
Guddoomiyaha Barlamaanka Somalia Sheekh Aadan Maxamed Nuur "Sheekh Aadan Madoobe" ayaa mar kale ku celiyay in talaabo Military lagu qaadi doono Xildhibaankii aan sida ugu dhaqsiyaha badan usoo gudbin cadadka hubkiisa iyo ilaalada uu leeyahay.
Guddoomiyaha Barlamaanka waxuu sheegay inay arrintaan isla meel dhigeen madaxda ugu sareysa Dowlada KMG ah, isla markaana loogu dan leeyahay sidii loo ogaan lahaa cida ka dambeysa dhibaatooyinka ka dhaca muddooyinkii ugu dambeeyay gudaha magaalada Baydhaba.
"Baydhaba waxa ay xarun u tahay Barlamaanka Somalia, maalmihii ugu dambeeyana waxii dhacayay waad la socoteen, sidaadi darteed dadka waxey ku eedeynayaan ammaan darada inay ka dambeeyaan ilaalada Xildhibaanada Barlamaanka, waxaa go'aansanay inaan ogaano lana baaro ciidamada ilaalada iyo hubka ay heystaanba" ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.
Sheekh Aadan Madoobe waxuu ku goodiyay in talaabo Military lagu qaadi doono Xildhibaankii aan soo gudbin cadadka Ilaaladiisa iyo Hubka uu heysto, isagoo sheegay in la siin doono waraaqo ay ku qoran yihiin cadadka hubkiisa iyo ilaaladiisa.
"Ilaalo aan wadan Teesaro aan u qeybin doono dhawaan hadii gudaha Baydhaba lagula kulmo talaabo sharci ah ayaan ku qaadeynaa, waxaana u aqoonsaneynaa burcadka dhibaatada Baydhaba ku haya inay ka mid yihiin" ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.
Guddoomiyaha waxuu sheegay inuu wado qorshe dhar lagu garto ilaalada Xildhibaanada loo qeybin doono dhawaan, si loo kala fahmo burcada iyo ilaalada Xildhibaanada oo hada isku dareed eg.
Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo yeeray Guddoomiyaha Barlamaanka Somalia Sheekh Aadan Madoobe ayaa kusoo beegmaya xili inta badan habeenadii Baydhaba ay ka dhacaan qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo loo geysanayo mas'uuliyiin ka tirsan DF, taasoo dusha loo saaray qaar kamid ah ilaalada Xildhibaanada Barlamaanka oo sida maleeshiyo qabiileedkii Somalia u hubeysan wax lagu gartana aysan laheyn. |