Nairobi, Axad, May 4, 2008 Xogta Online
Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaa ka dhacday xaflad lagu xusaayayay maalinta Saxafaada aduunka.
 Sanad kasta 3 bishaan May ayaa waxaa loo aqoonsanyahay maalinta Saxaafada, waxaa munaasabadaas ka soo qeeb galayay Saxafiyiin badan oo Soomaaliyeed kuwaasoo kasoo qaxay magaalada Muqdisho kadib markii ay cadaadis iyo hanjabaadyo kala kulmeen kooxaha Siyaasada Somali isku haya.
Qaar kamid ah Saxafiyiintaan Soomaaliyeed ee qaxootiga ku ah magalaada Nairobi ee dalka Kenya oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay inay Somalia ka jirto Xoriyatul Qowl la'aani xoogan.
.jpg)
.jpg) Intii ay Xafladaasi socotay waxaa War-Saxaafadeed ay soo saareen Saxafiyiinta Soomaalida ee Qaxootiga ku ah Kenya akhriyay Cabdilaahi Maxamed Xasan "Black" taasoo lagu sheegay inay Saxafiyiintaasi dhibaatooyin kala soo kulmeen goobihii ay ka howl-gali jireen gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Waxaa sidoo kale Xafladaasi ka hadlay Cabdiqaadir Cismaan "Barnaamij" ayaa sheegay in uu sanadkii tagay Saxaafada Soomaaliya aheyd sanadkii ugu xumaa.
Saxafiyiintii naftooda ku waayay ayaa lagu sheegay in ey tiradooda gaareeso ilaa 8 Saxafi, Saxafiyiinta la dhaawacay ayaa ahaa ilaa 5 sidoo kale saxafiyiin sidoo kale 42 wariye ayaa la xirayay xalka ay ka soo barakaceen in ka badan 70 Wariye.
Intii ay Xafladaasi socotay ayaa loogu duceeyay Saxafiyiintii Soomaalida ee ku geeriyooday dalka Somalia iyagoo ku guda jiray shaqadooda.
Saxafiyiinta Kenya ku sugan ayaa ka codsaday dhinacyada isku haya magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Somalia inay dhowraan Saxafiyiinta ee gudanayaa waajibkooda shaqo.
Saxafiyiinta ayaa si gaar ah Dowlada KMG ah ee Somalia ugu codsadeen inay ilaaliso Saxafiyiinta, kana deyso hanjabaadyada iyo xariga ay ciidamadeeda inta badan u geystaan Saxafiyiinta Muqdisho ka howl-gasha.
.jpg)
.jpg) Beesha Caalamka ayay ugu baaqeyn in ey culeys ku saaraan Dowlada KMG ah ee Somalia xaqdhorka xuriyada Saxaafada, isla markaana ey damaanad buuxda ey siiso Saxafiyiinta Soomaliyeed.
Waxa ay si kulul u cambaareeyeen xadgudubyada soconaya ee lagu hayo Saxafiyiinta Soomaliyeed waxeena ka codsadeen QM & Beesha Calamka inay sharciga horkeenaan kuwa ka wada xadgudubyada Saxafada gudaha dalka Somalia.
.jpg) Xafladaan ayaa waxeey ku soo aaday ayadoo dalka Soomaliya ay ka jirto cadaadiska la saaraya Saxafiyiinta Soomalida isla markaana kuwa ka shaqeeya gudaha wadanka Soomaliya ey ku shaqeeyaan walal iyo dhibaatooyin badan oo heysta xiligaan. Nasteexo Maxamed
Xogta Online
Nairobi - Kenya
Email: qaraaxo12@hotmail.com |