Muqdisho, Axad, May 4, 2008 Xogta Online
Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay ciidamo ka tirsan Dowlada KMG ah ay dhac u geysteen gaari ay laheyd Idaacada SomaliWeyn ee ku taala magaalada Muqdisho.
Gaarigaan oo marayay degmada Wadajir ayaa lasoo warinayaa inay dhaceen saddex askari oo ka tirsan Dowlada KMG ah. Wariye Cumar Shaam oo ka tirsan Idaacada SomaliWeyn isla markaana waday gaariga marka laga dhacayay ayaa Saxaafada u sheegay inay askartaasi joojiyeen gaariga isla markaana ku amreen inuu soo dago oo ay hub ka baarayaan.
Waxuu sheegay inuu tusay Card-kiisa aqoonsiga Saxafinimo isla markaana u sheegay inuu SomaliWeyn ka tirsan yahay uuna yahay Wariye Cumar Shaam, isla markana ugu jawaabeen inuu gaariga ka dago si ay u baaraan.
"Kadib daqiiqado ay gaariga eeg eegayeen ayay si hoose isku eegeen saddex askari mid ayaa igu soo orday iguna amray inaan furaha gaariga siiyo, waana u dhiibay weynla la dhaqaaqeen" ayuu yiri Cumar Shaam. Maamulka Sarre ee Idaacada SomaliWeyn ayaa xiriiro la sameynaya saaka Saraakiisha Dowlada KMG ah ee Somalia, iyadoo ay inoo sheegeen inaysan ilaa xiligaan ka helin mas'uuliyiinta ay la xiriireen hadal qanciya.
Waxey sheegeen inay mas'uuliyiinta ay la xiriireen qaarkood gaashaanka u daruureen inay ciidamadooda dhaca geysteen, halka qaarka kalena ay sheegeen inay baaritaan sameyn doonaan.
Si kastaba ha ahaatee, ciidamada Dowlada KMG ah ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay dhac iyo baarasho bareer ah u geysanayay dadweynaha shacabka ah, isla markaana ka qaadanayay qaarkood gawaarida ay wataan oo ay iibsanayeen. |