Dowlada Mareykanka oo soo bandhigtay raga ay ka dooneyso gudaha Somalia.

New York , Axad, May 4, 2008 Xogta Online

Tan iyo markii wasaarada arrrimaha dibada ay ku dartay liiska argagixisada ururka islaamiga ee AL-Shabaab kaas oo ka howl gala gudaha dalka soomaaliya oo dagaalna kula jira ciidamada dowlada Kmg iyo kuwa dowlada Ethiopia.

Ururkaan oo arrinka uu mareykanka ku dhaqaaqay u arkayey in ay tahay mid dhalanteed ah isla markaana aysan soo gaarin karin gacanta Mareykanka marka loo eego hadalkii uu jeediyey Afhayeenka ururka Sheik Muktar Roobow (Abuu Mansuur) oo uu sheegay in tani ay tahay handadaada lagu yaqaan Mareykanka isla markaana aysan tani ku keeni doonin in ay hakad geliyeen howgaladooda ka dhanka ah ciidamada dowlada & kuwa militariga Ethiopia balse waxa kaliya ku soo baraarugeen ayaa ahaa duqeyntii lagu dilay hogaanka sare ururkaan Adan Xaanshi Ceyrow ( Macallin Aadan)

Haddaba dowlada Mareykanka ayaa iminka si buuxda ugu dhawaaqday kuna soo bandhigtay website ay wasaarada arrimaha dibada ee mareykana ay leedahay liiska raga ay ku sheegtay in ay yihiin kuwa ka soo horjeeda danaha Mareykanka ee Bariga Afrika kuwaas oo ay ku sheegtay in ay ku xeran yihiin ururka Alqaacida oo adduunka looga yaqaan urur Argaxgixiso, raggaan ayaa tiradooda lagu sheegay 9 ruux.

Liiskaaan ayaa dadka ka soo muuqday ay ka mid yihiin ragg si weyn gudaha dalka looga yaqaan isla markaana magacyadooda soo baxay xilligii ay Maxkamadaha Islaamiga ay la wareegeen gacan ku heynta K/Soomaaliya liiska ayaa waxaa loo kala dhigay 3 qeybood qeybta hore ayaa waxaa ku jira

1- Abdalle Mohamed Fouzul
2- Salax Cali Salax Nebhaan
3- Ciise Osman Ciise

Abdalle Mohamed Fazul ayaa isaga loo heystaa kaalintii uu ku lahaa qaraxyadii safaaradaha mareykanka ee Nairobi & Daarasalam ee sanadii 1998 Bishii August waxaana lagu tuhmayaa wixii ka dambeeye xilligaas inuu u soo baxsaday dalka Soomaaliya oo aan iyada laheyn maamul dhexe

Sidoo kale ayaa Mr Nebhaan loo heystaa in wax laga weydiiyo qaraxii sanadii 2002 loo geystay hotelkii Paradise ee magaalada loo dalxoos tago ee Mombasa Kenya iyo gantaalkii lagu ganay diyaarad ay laheyd dowlada Israel waxaana Nebhaan la sheegay inuu ka soo talaabay xadka u dhaxeeya soomaali & Kenya

Ciise Osman ayaa ah nin inta badan lagu tiriyo inuu yahay dagaal yahan fagaaro badan ka dagaalamay oo ka mid ahaa ciidamadii kaabiga u haayey magaalada Baydhabo xilli ay dowlada xarun u aheyd waxaana lagu sheegay inuu ka soo dagaalamay dallalka Afghanistan iyo gobolka Kashmiir ee dalka India

Sidoo kale ayaa liiska lagu sheegay in afar ruux oo kale oo ururka Shabaabka ka tirsan

1- Adan Xaashi Cayrow
2- Muktaar Roobow Abuu mansuur
3- Godane
4- Ibrahim Xaaji Jaamac

Sida jirta ayaa 1st May Mr Cayrow lagu qaarjiyey duqeyn loogu geystay gurigiisa oo ku yaal magaalada Dhuusa Mareeb ee gobolka Galgadud waxaana loo heystay hadalo ka dhan ergadii ka qeyb gashay shirkii Dib uheshiinta isagoo ku baaqay in la dilo iyo in la wareero ciidamada Amisom oo ka socda midowga afrika sidoo kale ayaa jirta in loo heysto dilkii Nin Nabada ka shaqeynayay oo sanadkii 2005-tii lagu dilay Magaalada Muqdisho oo ahaa muwaadim soomaali oo u dhaq dhaqaaqi jiray arrimaha bulshada caan ka ah dalka iyo dilkii Sooro talyaani oo u shqeyneysay hey’ada SOS ee hooyada iyo dhallaanka ee magaalada Mogadisho sida lagu qoray Warbixinta wasaarada Arrimaha Dibada Mareykanka.

Mr Roobow ayaa ah nin afhayeen u aha ururka Alshabaab ayaa isna lagu soo eedeeyay Taageerada Logistic ka taakuleya ururka Alqaacida.

Labada nin ee dambe oo aan sidaa looga aqoon K/soomaaliaya ayaa iyaga loo heystaa dilkii shaqaalo Ajnabi ah oo u shaqeynayey hey’ada jarmalka ee GTZ ee Somaliland isla markaana ay yihiin rag tababar buuxa qabo oo ka soo dagaalamay dalka Afghanistan

Qeybta sadaxaad ayaa ka kooban labo ruux oo si wanaagsan dalka looga shaqeeyo oo iyaga kala ah

1- Sheik Xassan Turki
2- Xasan Dahir Aweys

Labadaan ruux ayaa iyaga warqad si toos ah ugu soo baxday xafiiska madaxweynaha lagu sheegay in ay xariir la leeyihiin ururweynaha Alqaacida isla markaana tababar ku soo qaatay dalka Afghanistan

Raga sagaalka ah ayaa 8 ka mid ay yihiin la ogyahay in ay nool yihiin oo ay joogaan dalka marka laga reebo Guddoomiyihii hore ee shuurada Xasan Dahir Aweys oo isaga ku sugan dalka Eritrea.

Wasaarada Arrimaha dibada ee Mareykanka oo Soo bandhigtay liiska raga ay dooneyso ee ku sugan dalka Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Mareykanka ayaa cadeysatay cadaawad ay u qabto Diinta Islaamka ee karaameysan, iyadoo inta badan dadka ahlu diinta ah ee dalalkooda ka difaacanaya cadawga soo weeraray sida Ciraaq, Afganistan, Pakistan, Somalia, Sudan iyo dalal kale ku tilmaamto Argagaxiso Caalami ah.

Xogta Online

Contac Us: xogtasom@gmail.com