Muqdisho: Dagaalo xalay lagu qaaday fariisimada ciidamada Ethiopian-ka.

Muqdisho, Axad, May 4, 2008 Xogta Online

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in fariisimada Ciidamada Itoobiyaanka ay ku leeyihiin Xeyla Bariise, Warshadii hore ee Baastada iyo qeybo kale ayaa xalay fiidkii waxaa weerar culus ku qaaday kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Joogitaanka ciidamada Itoobiyaanka ee dalka Soomaaliya.

Daryaanka Madaafiicda cul culus iyo rasaas xoog badan ayaa qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho xalay laga maqlaayay, iyadoo labada dhinac uu dagaalkaasi qasaare ka soo gaaray.

Dagaalkii xalay oo ahaa mid socday dhowr daqiiqado ayaa dadka rayidka ee dagaalada xafadaha ay ka dhaceen ka soo gaaray qasaare lixaad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac gaaray 5-ruux.

Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalamahaan dar dargeliyay weerarada ay ku hayaan ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Dowladda federaalka Soomaaliya.

Xogta Online

Contac Us: xogtasom@gmail.com