Addis Ababa , Axad, May 4, 2008 Xogta Online
Golaha amaanka & Midnimada Qaarada Africa oo maalintii shalay ahaa shirk u qaatey Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa wada hadalo ku aadan xaaladaha Soomaaliya ,waxa ay ka soo saareen Qoraal ku aadan xaaladaha qalafsan ee ka taagan ee dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Ururka Midowga Africa Jakaya Kikwete ayaa ka codsaday dhamaanba Hogaamiyaasha Africa in ay deg deg Soomaaliya ku geeyaan ciidamadii balan qaadeen ayna xaalada Soomaaliya hada ubaahan tahay gargaar deg deg ah.
Hogaamiyahan wuxuu sheegay in dhibaatada ka taagan dalka Soomaaliya ay hada Soomaalidu dooneyso in ay xaliso loona baahan yahay in deg deg loogu taageero ciidamo amaanka suga.
Hogaamiyahan wuxuu sheegayaa in ay muhiim tahay taageero balaaran oo lasiiyo dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ,ayna sidoo kale Midowga Africa mudo badan ku baraarujiyeen Dawladaha Africa dhaqaale & Ciidan in ay ku taageeraan dawladda uu hogaamiyo Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
Baaqa kama danbeyn umuuqday ayaa Golaha amaanka & Midnimada Qaarada Africa waxa ay udireen Wadamada Xubnaha ka ah golahaasi & Dhamaanba Wadamada Africa ayagoo ugu baaqay in dhaqaale deg deg lugu siiyo Xukuumada Faderaalka ee Soomaaliya.
Dagaaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa goluhu sheegay in ay noqdeen kuwa keenay Dhimasho & Dhaawac fara badan ,loogana baahan yahay in wada hadalo ay yeeshaan dhinacyada ay khuseyso arimaha dalka Soomaaliya. |