Beledweyne, Axad, May 4, 2008 Xogta Online
Markii labaad ayay xalay uahayd gobalada Hiiraan & Galguduud oo ay diyaarado aan la arag Guuxooda ka maqlayeen Magaalooyin badan oo ka tirsan gobaladaasi.
Dadweynaha Magaalada Baladweyn ayaa cabsi xoog leh ka muujiyey Diyaaradahan ,waxa ayna cabsi ka qabaan in weerar lugu qaado Guryo kuyaala Magaalada Baladweyn oo ay leeyihiin Xubno lasheegayo in ay xiriir la leeyihiin Ururka Al-Shabaab & Midowga Maxkamadihii Soomaaliya laga saaray.
Guryahan ayaa la rumeysan yahay in ay leeyihiin Xubno horey uga tirsanaan jirey Kooxaha ka soo horjeeda dawladda faderaalka ee Soomaaliya hadana si hoose ula shaqeynaya.
Gobalka Galguduud degmooyin badan oo ka tirsan kuna yaala Dhinaca Waqooyiga & Koonfurta Bari ayaa Diyaaraduhu ay aad ah ugu socdaalayeen ,waxa ayna Goobahaasi Diyaaraduhu ku tuhunsan yihiin in ay joogaan Xubno ka tirsan Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.
Duqeymo labaad oo ka dhaca meelo ka mid ah Soomaaliya ayaa ah halis weyn oo ka dhacda guud ahaan Soomaaliya ,waxa ayna noqoneysaa markii Labaad oo meelo ka mid ah gobalada Dhexe ee dalka Soomaaliya ka dhacaan weeraro xoog leh.
Lama yaqaano cida goobahaasi Joogta & cida ay ka tirsan yihiin waxa ayna dadku ka gaabsanayaan in ay faahfaahin ka bixiyaan dadka jooga goobaha ay dulmarayaan Diyaaradahan oo la rumeysan yihiin in ay leedahay Dawladda Mareykanku. |