Xildhibaan FAO “Inta Ethiopian-ka ay joogaan isla markaana gooracayaan Soomaalida wax xil ah kama qabanaayi DF”.

Muqdisho, Isniin, May 5, 2008 Xogta Online

Xildhibaan Axmed Maxamed Cabdi “FAO” oo ka tirsanaa Xildhibaanada Barlamaanka Somalia oo shalay xilkaasi iska casilay ayaa ka hadlay ujeedada rasmiga ah ee shaqadiisa ugu tagay.

Xildhibaanka oo saaka la xiriirtay Xogta Online ayaa sheegay inuu sababo badan oo is biirsaday kadib go'aan ku gaaray inuu xilkiii uu ka hayay Dowlada KMG ah iska casilo dharaar cad.

Waxa uu sheegay inay dhibaatooyin badani xiligaan ka jiraan gudaha Somalia gaar ahaan magaalada Muqdisho oo dagaalo aan dhamaad laheyn ka socdaan in muddo ah, isla markaana ciidamada Ethiopian-ka ay halkaasi ka sameynayaan waxii ay doonaan.

Waxa uu sheegay inuu xiriiro badan la sameeyay madaxda DF gaar ahaan Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo Ra'iisul-wasaare Nuur Cadde, isla markaana dhowr mar ugu baaqay inay wax ka qabtaan dhibaatada sii daba dheeraaneysa ee ciidamada Ethiopian-ka iyo kuwa DF ka geysanayaan qeybo kamid ah Muqdisho.

“Uma maleynaayi cid iga samir badan inay DF ku jirto marka laga soo qabto Muwaadiniinta saxda ah, kama hadlaayi colaashood u shaqeystaash ku jira Xukuumada ama Barlamaanka, intii aan adkeysan karo waan adkeysan lamana sii shaqeyn karayo dowlad dadkeeda ku fiirsaneyso xasuuq loo geysanayo” ayuu yiri Ex. Xildhibaano FAO.

Mudane FAO waxa uu sheegay inaysan Caalamka ka dhicin waxyaabaha hada ka socda Somalia gaar ahaan Muqdisho, isla markaana DF aysan wax talaaban karo ilaa iminka ka qaban xaalada ammaan xumo ee isbiirsanaya.

“Dowlad shacabkeeda uu leeynaayo askari shisheeye ku eegeneysa dheheysana waa sax wuu is difaacayaa, wali lama arag inta uu adduunka soo jiray, ragaan mas'uuliyiinta DF sheegayana maalin maanta aheyn ayaa laga jarayaa xumaanta shacabkooda loo geysanayo oo ay indhaha ka fiirsanayaan” ayuu yiri Ex. Xildhibaan FAO.

FAO waxa uu sidoo kale sheegay in Ra'iisul-wasaare Nuur Cadde markii lasoo caleema saaray khudbadna ka jeediyay magaalada Baydhaba uu u malaynaayay muwaadin sax ah oo Soomaaliyeed kana danqanaya dhibaatada Soomaalida heysata, balse is badalay markii uu soo dhex galay wabigii lacagta DF ee xasuuqa shacabkeeda loo siinayay waa sida uu hadalka u dhigay.

Mar wax laga weydiiyay hadii uu ka baxay DF inuu la safan doono Ururada Mucaaradka ku ah DF gaar ahaan Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya oo ay ku jiraan Xildhibaano hore ayuu ku jawaabay “Taasi lagama huraan ayay noqon doontaa, balse hada wax xiriir ah lama sameyn balse cidii u danqaneysa Soomaalida ayaan la safan doonaa”.

Ma ahan Xildhibaankii ugu horeeyay oo ka tirsan Barlamaanka DF oo isaga baxa, iyadoo ay jiraan xildhibaano badan oo siyaabo sidaan oo kale ah ugu baxay kamid noqoshahoodii Barlamaanka Somalia .

Si kastaba ha ahaatee, Xildhibaankaan ka baxay Barlamaanka Somalia isla markaana shaaciyay dhibaatada keentay inuu isaga baxo Barlamaanka ayaa keeni karta inay saaxiibo kale ay ku daydaan.

Xogta Online

Contac Us: xogtasom@gmail.com