Dowlada China oo cambaareysay duqeyntii Dhuusa Mareeb.

Muqdisho, Isniin, May 5, 2008 Xogta Online

Dowlada shiinaha ayaa Canbaareeysay Duqeeyntii ay dhawaan ka geeysteen Mareykanka qeeybo ka Mid ah Dalka Somalia kasi oo ay ku tilmaameen Mid xasuuq ah oo shacabka Masaakiinta ah lagu leeynayo.

Wasiirka Arimaha Dibada Dalka Shiinaha ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray waxaa uu ku dhaleeceeyay weerarkii ay diyaaradaha Mareeykanku ku qaadeen Magaalada Dhuusa Mareeb ee gobolka Galgaduud ee dalka Somalia.

Dowlada China ayaa duqeeyntaasi ku tilmaamtay mid Mid ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha iyadoo Dowlada Mareykanka ay sheeganeeyso sida warka lagu sheegay in ay tahay mid ka mid ah Quwadaha Ugu weeyn ee Aduunka isla markaana ay ku tumto Xuquuqda Aadanaha ayna dhibaato u geeysto Maxaabiista Caalamiga ah.

Dowlada Mareeykanka waxaa ay tixgalin Yar siisaa Xuquuqda aadanaha ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedkaasi iyadoo sidoo kale si xun ula dhaqanta Maxaabiista Lagu soo qabto Dagaalada.

Dowlada Wadanka Shinaha waxaa ay walaac ba’an ka muujisay xaaladii weerarkii ay mareeykanka ku qadeen Magaalada dhuusa Mareeb ee gobolka Galgaduud asbuucii La soo dhaafay.

Dhacdooyinkasi iyo Kuwii ka horeeyay ee Mareeykanu uu ku beegsaday Dad rayid ah oo Somalid ayaa waxaa ay noqoneeysaa Mid Cadaalo Dari ah isla markana ah Kutumasho Xuquuqul aadanaha.

Sidoo kale Dowlada China ayaa tilmaamtay in Saxaafada caalmaka ay indhaha Ka laabatay Dhibaatadii ay mareekanka ka geeysteen Dalka Somalia.

Ugu danbeeyntii waxaa ay dowlada China ugu baaqday Dowlada Mareeykanka in ay raali galin Ka bixiso Duqeentii ay ka geeysteen Dalka Somalia isla markaana ay dhibaatada u geeysteen Shacabka aan waxba galabsan ee Somaliyeed.

Xogta Online

Contac Us: xogtasom@gmail.com