Dibadbaxyo cabasho ah oo saaka ka bilawday qeybo kala duwan oo ka mid ah mag. Muqdisho.

Muqdisho, Isniin, May 5, 2008 Xogta Online

Qeybo kala duwan oo ka mid ah xaafadaha iyo Suuqyada waa weyn ee magaalada Muqdisho ayaa saaka waxaa ka bilawday dibadbaxyo lagaga cabanayo kala saaridda iyo diidista Lacagaha Kunka Shilin, oo mudooyinkii ugu dambeeyay ay hareeyeen inta badan gobolada Dalka.

Goobaha dibadbaxyada saaka ka soconayaan waxaa ka mid ah Suuqa weyn ee Bakaaraha, halkaasoo lagu arkayo dad weyne aad u fara badan, isla markaana dibadbaxyo dhibaya, iyadoo gabi ahaan albaabada loowada laabay goobihii ganacsiga ee Suuqa.

Dibadbaxayaasha ayaa waxay isugu jiraan ganacsato iyo dad weyne kale, kuwaasoo ku qeylinaya ereyo ay ku muujinayaan sida ay uga xunyihiin qiima dhaca ku yimid isticmaalka Lacagaha Kunka Shilin ee Soomaaliga ah.

Dibadbaxyo kuwan la mid ah saaka waxaa ay ka soconayaan xaafado hoostaga deegaanka Madiina, Suuq Bacaad degmooyinka X/weyne, X/jajab iyo waliba qeybo ka mid ah waqooyiga magaalada Muqdisho.

Si kastaba, dibadbaxyadan waxaa ay qeyb ka yihiin cambaareyn iyo cabasho soo noq noqday oo hore ay u soo jeediyeen qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gudaha dalka iyo dibaddiisa intaba.

Xogta Online

Contac Us: xogtasom@gmail.com