Kismaayo, Isniin, May 5, 2008 Xogta Online
Dekada weyn ee magaalada Kismaayo ayaa dib u howl-gashay kadib markii labadii cisho ee lasoo dhaafay lagu garaacay madaafiic xoogan oo khasaaro u geystay gudaha dekada.
Madaafiicdaan oo ay soo tuurayeen Maleeshiyooyin la sheegay inay isku heeb yihiin Xildhibaan Barre Hiiraale ayaa ka careysnaa mishaar la'aani soo wajahday kuwaasoo ka tirsanaa ilaalada dekada Kismaayo.
Maleeshiyadaan ayaa goob ku beegan dekada oo buur aheyd la koray madaafiic xoogan, kuwaasoo ay si bareer ah ugu soo garaacayeen dekada.
Dhamaanba howlahii ka socday dekada Kismaayo ayaa hakad galay labadii cisho ee lasoo dhaafay taasoo caqabad ku noqotay dadweyne fara badan oo nolol maalmeedkooda kasoo saaran jiray dekada Kismaayo.
Doomo ganacsi oo dekada ku xirnaa inta aan madaafiic lagu garaacin ayaa halkaasi isaga cararay kuwaasoo iminka ku sugan xeebaha gobolada Jubbooyinka, kana cabsanaya inay qasaaro kasoo gaarto duqeynta inta badan loo geysto dekada Kismaayo.
Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose waxaa ka arrimiya maamul beeleed ka madax banaan Dowlada KMG ah kadib markii dagaal cusub oo gudaha Kismaayo ka dhacay loogu saaray ciidamo ka tirsanaa Dowlada KMG oo hogaaminayay Col. C/risaaq Afgaduud oo ay ehel yihiin Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf Axmed.
Si kastaba ha ahaatee, maleeshiyooyinka ku sugan Kismaayo ayaa caadeystay markii ay soo wajahdo mishaar la'aan inay carqaladeeyaan howlaha dekada Kismaayo oo nolol badani ku tiirsan tahay.
|