Meles Zenawi oo Wakiilka gaarka ee QM kala hadlay arrimaha Somalia.

Addis Ababa , Isniin, May 5, 2008 Xogta Online

Ra'iisul-wasaara Dowlada Federaalka Ethiopia Meles Zenawi ayaa kulan xasaasi ahaa la yeeshay Wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Somalia Ahmadu Walad Abdallah.

Labada mas'uul ayaa kawada hadlay arrimaha Somalia iyo joogitaanka gudaha Soomaliya ciidamada Federaalka Ethiopia.

Wakiilka ayaa sheegay inay dagaalo fara badani ka dhacaan gudaha Somalia kaasoo dhex mara ciidamada Ethiopian-ka iyo kooxaha Soomaalida ee diidan joogitaanka ciidamada Ethiopian-ka.

Ra'iisul-wasaare Meles ayaa sheegay inay ciidamadiisa taageerayaan ayna difaac u yihiin dowlada tabarta yar ee Somalia, isla markaana gudaha Somali u galeen kadib markii ay ugu timid DF codsi.

Axmed Walad Cabdala wuxuu ku wargaliyey Ra'iisul-wasaaraha Itoobiya in ay howl wanaagsan ka qabteen dalka Soomaaliya ,ayagoo gacan weyn siiyey Xukuumada Faderaalka ee Soomaaliya.

Wakiilku wuxuu sheegay in aysan doonayaan in ay wadahadalo ku qabtaan Magaalada Jabuuti ,kuwasoo ay ka qeybgalayaan Masuuliyiinta dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ,Mucaaradka ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya & Hogaamiyaasha Qabaa’ilka ee ka soo horjeeda dawladda Soomaaliya.

Meles wuxuu soo dhaweeyey dadaal walba oo dibu heshiisiinta looga hadlayo ,wuxuuna sheegay in uu ka shaqeyneyo sidii Soomaaliya looga dhigi lahaa dal nabdoon dawladda Soomaaliyana howlaheeda uqaban lahayd.

Wada hadaladan ka dhacay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa ku soo beegmaya ayadoo maalmo kooban ay ka dhiman tahay waqtiga lugu balansan yahay wada hadalo ka dhaca dalka Jamhuuriyada Jabuuti.

Xogta Online

Contac Us: xogtasom@gmail.com