Faahfaahinta dagaaladii xalay ka dhacay qeybo kamid ah Muqdisho.

Muqdisho, Isniin, May 5, 2008 Xogta Online

Dagaalo xoog leh ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya ,kuwasoo lugu soo qaaday Ciidamada dawladda Faderaalka ee Soomaaliya & saaxiibadooda kaalmeynaya.

Dagaaladan ayaa lugu qaaday Xeryo Milateri waxaana la ogeyn dhimasho & Dhaawac ay geysten ,inkastoo warar soo baxayaa ay sheegayaan in ay dhaawacyo soo gaareen qaar ka mid ah ciidamada dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa xiray wadooyin badan oo kuyaala Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya ,markii ay soo baxeen wararka sheegaya in Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Soomaaliya qorsheynayaan dagaalo ay ku soo qaadaan dawladda Soomaaliya.

Saraakiisha nabad sugida dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa wacad ku maray in aysan udulqaadan doonin weerarada ka imaanaya Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

War laga helay Xeryaha Ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa sheegaya in ay heegan sarre ku jiraan ciidamada dawladda Soomaaliya ayna dhawaan howlgalo ka bilaabayaan Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya.

Inkastoo aysan jirin cid ka tirsan dawladda Soomaaliya oo ka hadashey holwgalladan ujeedkooda ,hadana warar ayaa sheegaya in ay Amaanka ku saleysan yihiin Howlgalladan mana ah markii ugu horeysay.

Xogta Online

Contac Us: xogtasom@gmail.com