Muqdisho, Isniin, May 5, 2008 Xogta Online
Dawladda Djibouti ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay ashkato ku saabsan dawladda Ereteriya u gudbisay bulshada Caalamka. Sidaas waxa cadeeyay Wasiirka Arrimaha dibadda Djibouti oo khamiistii shirjaraa’id ku qabtay magaalada Djibouti.
Sarkaal ka tirsan dawladda Djibouti ayaa dhawaan sheegay in ciidamada Ereteriya u soo tallaabeen xadka Djibouti iyagoo halkaas ka samaystay dhismayaal. Laakiin haddana maalmo ka dib ayay dawladda Djibouti sheegtay in labada Madaxweyne ee labadaas dal ka wada hadleen arrintaas islamarkaan la xalliyay.
Hase yeeshe Wasiirka Arrimaha dibadda ee Djibouti Maxamed Cali Yuusuf, ayaa waxa uu toddobaadkan mar kale sheegay inay dawlada Ereteriya ku soo xad gudubtay xuduudka wadankiisa Djibouti, waxaanu cadeeyay inay ashkato arrintaas ku saabsan u gudbiyeen Ururada Qaramada midoobay, Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta iyo weliba urur goboleedka IGAD, “Koox xaqiiqo raadis ah oo ka socota bulshada Caalamka ayaa la filayaa inay halkaas [Xuduudka] gaadho maalmaha soo socda.” Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibadda ee Djibouti, waxaanu intaas raaciyay, “Djibouti waxay qaaday tallaabadan ka dib markii ay ogaatay in gabi ahaanba lagu xad gudbay xidhiidhkii iyo weliba Ereteriya oo diiday inay gasho wada hadal.”
Waxa uu Wasiirku sheegay in dawladda Ereteriya ciidamadeeda dib ugala baxday xuduudka, waxase uu xusay inay weli ku jiraan qayb ka mid ah, “Ereteriya dib ayay ula baxday ciidamadeeda, laakiin weli waxay ku jiraan qaybo ka mid ah dhulka Djibouti.”
Wasiirku waxa uu sheegay inaanay dawladiisu diyaar u ahayn xurguf iyo dagaal toona, ‘Walaalayaal dawladda Djibouti diyaar uma aha dagaal.” Ayuu yidhi Wasiirku, isaga oo xusay inay ka shaqayso xallinta mashaakilaadka gobolka Geeska Afrika. Wakaaladaha wararka ayaa sheegaya inay Djibouti xuduudkeeda gaysay ciidamo kuwaas oo horfadhiya ciidamada Ereteriya ee ay Djibouti eedaynayso.
Dhulkan ay ciidamada Ereteriya hadda yimaadeen ayay labada wadan hore isugu maandhaafeen. Waxaanay hadda u muuqdaan in diblomaasiyadu shaqayn weyday oo ay deeradu dhex miranayso. Source: Wargeyska Geeska Afrika |