Cadde Muuse oo ka hadlay dad maamulkiisa la sheegay inay u dhiibeen Ethiopia.

Muqdisho, Isniin, May 5, 2008 Xogta Online

Madaxweynaha dawladda Puntland Maxamuud Muuse Xirsi oo Wareysi siiyay Idaacada Voa-da ayaa beeniyay warka sheegaya Maamulkiisu dad ka tirsan Ismaamulka Soomaalida Itoobiya loo dhiibay Xukuumada Itoobiya ,isagoo warkaasi ku sheegay mid been ah.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in uusan la socon Maamulkiisu dad laga qabtey Gobalada Puntland ,loona dhiibay dalka Itoobiya isagoo ugu baaqay dadka warkaasi faafiyey in ay raali galin ka bixiyaan.

Cadde Muuse wuxuu tilmaamay in aysan waxba ka jirin warka sheegaya in dad udhashay Beesha Abmase loo dhiibay dalka Itoobiya ,wuxuuna haba yaraatee sheegay in aysan Maamulkiisu la socon.

“Wasiirka Maaliyada waan warsaday wuxuuna ii sheegay in aysan waxba ka jirin arintaasi ,isagoo ii sheegay in aysan waxba ka jirin arimahaasi oo dhan waxaana warkaasi faafiyey Warbaahinta ka soo jeedo Horumarka Puntland” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Maxamuud Muuse Xirsi.

Warkan ka soo baxay Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa ku soo beegmaya xili ay dhawaanahaan soo baxayeen warar sheegaya in Magaalooyinka Garowe , Gaalkacyo & Boosaaso dad kale duwan laga qabtey una dhashay Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya.

Xogta Online

Contac Us: xogtasom@gmail.com