Muqdisho, Talaado, May 6, 2008 Xogta Online
Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere” ayaa maanta markii ugu horeysay ugu baaqay dadweynaha Muqdisho ku dhaqan ee dhibaatada kasoo gaartay rasaasta ciidamada Dowlada Federaalka inay isa soo diiwaan galiyaan.
Maxamed Dheere oo isagoo ku sugan xaruntiisaa gobalka Banaadir Saxaafada ka howl-gasha gudaha Muqdisho la hadlayay ayaa yiri “Inta badan cabasho ayaa Saxaafadaha ka maqlaa taasoo ka timaado Bulshada Muqdisho ku dhaqan oo ka cabanaya rasaas ay ku rideen ciidamada DF, sidaasi darteed ha isa soo diiwaan galiyaan”.
Maxamed Dheere ayaa sheegay inuu maamulkiisa wax u qaban doono dadweynaha dhibaatada ay kasoo gaartay rasaasta ay fureen ciidamada Dowlada KMG ah ee Soomaaliya.
“Marnaba ciidamada DF diyaar uma ahan inay khasaaro gaarsiiyaan shacabkooda, waana kuwa ay difaacayaan una dagaalamayaan, sidaasi darteed waxaan u tacsiyeynayaa dadweynihii ku geeriyooday rasaasta ciidamada DF oo loo waday kooxo Argagaxiso ah” ayuu yiri Maxamed Dheere.
Guddoomiye Maxamed Dheere waxa uu sidoo kale sheegay in maamulkiisa bukaano ku jira isbitaalada Muqdisho qaarkood ay ka bixiyaan qarashka lagu daaweynaayo kuwaasoo khasaaro kasoo gaaray dagaaladii ka dhacay qeybo kamid ah caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
Waxa uu sheegay in kooxaha kasoo horjeeda Dowlada Federaalka mar walba ka dhex dagaalamaan gudaha goobaha shacabka ay degan yihiin, taasoo keenta inay shacabka haleesho rasaas ay ridayaan ciidamada DF oo is difaacaya.
Guddoomiye Maxamed Dheere waxa uu sidoo kale beeniyay hadal Saxaafada Soomaalida qaarkood maalmihii ugu dambeeyay ka fidineysan oo ahaa inuu Wasiirka Warfaafinta DF Axmed Cabdisalaan ku tilmaamay inuusan degin Muqdisho oo ka yimid gobalka Galgaduud.
“Saxaafada iyada ayaa ah tan ka timid goobaha kale ee Soomaalida aan aheyn, waayo raga badanaa wax ku qora ama Idaacadaha ka qeyliya waa kuwa aan aqoon sharuucda Saxaafada mishaarna ku qaata isku dirta ummada Soomaaliyeed” ayuu yiri Maxamed Dheere.
Si kastaba ha ahaatee, ciidamada DF ayaa dhac iyo dil bareer ah inta badan u geysta dadweynaha shacabka ah gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Muqdisho oo la liicliicaya dhibaatada DF askarteeda kasoo gaarta. |