Xildhibaan Barre Hiiraale oo ku goodiyay inaan laga shaqeyn Karin dekada Kismaayo.

Kismaayo, Talaado, May 6, 2008 Xogta Online

Xildhibaan Barre Aadan Shire “Barre Hiiraale” oo hore ugu mid ahaa Siyaasiyiinta ugu tunka weyn gobolada Jubbooyinka ayaa xalay ku dhawaaqay inay guud ahaan xiran tahay dekada magaalada Kismaayo.

Barre Hiiraale ayaa xalay xaruntiisa Kismaayo ku qaabilay Odoyaasha dhaqanka beesha Sadde iyo Ganacsatada gobalka Jubbada Hoose kulankaasoo loogu hadlay xaalada dekada magaalada Kismaayo oo maalmihii ugu dambeeyay xirneed kadib markii maleeshiyooyin hubeysani labo cisho ku garaacayeen madaafiic xoogan.

Barre Hiiraale ayaa kulankaasi ka sheegay in Ganacsatada maamusha dekada Kismaayo ay sidee doonaan ka yeelaan dekada, isla markaana wax dhaqaale ah dekada kasoo galin dadweynaha ku dhibaateysan ee sicir bararka ku heysta magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Odoyaasha dhaqanka beesha Sadde ee kulankii maanta ka qeyb galay ayaa Saxaafada u sheegay in Barre Hiiraale cadeeyay inuu isaga mas’uul ka yahay madaafiicdii dhawaan lagu garaacayay dekada Kismaayo.

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa maanta wada abaabul dibadbax balaaran oo loogu soo horjeeda Barre Hiiraale kadib ku dhawaaqistiisii xirnaasha dekada.

Dekada magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku nool dadweyne fara badani oo magaalada ku dhaqan kuwaasoo nolol maalmeedkooda kasoo saarta dekada Kismaayo oo ay howlo ka qabtaan.

Xogta Online

Contac Us: xogtasom@gmail.com