Baardheere, Talaado, May 6, 2008 Xogta Online
Taliyaha booliska saldhiga degmada Baardheere ee gobalka Gedo Korneyl Aftaag ayaa maanta beeniyay inuu iska cisilay xilkaasi Dowlada KMG u hayo.
Taliyaha oo Saxaafada qaarkood la hadlay isagoo ku sugan magaalada Baardheere ayaa sheegay inuu shalay ka maqlay Idaacada ka howl-gala gudaha Somalia warar ay baahinayaan oo ku aadan inuu iska casilay xilka Taliyaha saldhiga Baardheere kadib cabsi lasoo daristay.
“Adeer, warkaasi wax ka jira ma lahan, walina waxaan ahay taliyaha saldhiga Baardheere ismana casilin warkaasina waxaa baafiyay idaacado aan xaqiiqda la socon iskana sheega waxeysan ogeyn” ayuu yiri Aftaag.
Aftaag waxa uu sidoo kale sheegay inuu xiriir la sameeyay Idaacada qaarkood ee wararkaasi baafinayay, kuwaasoo uu maamulkooda ku amray inay raali galin warkaasi ka bixiyaan balse ay ka madax adeegeen.
“Magaalada Muqdisho iyo magaalooyin kale oo gudaha Somalia ku yaala dhawaan waan tagi doonaa talaabo muuqata oo laga shalaayo ayaana ka qaadayaa Idaacadaha beenta iga sheegeen” ayuu yiri Col. Aftaag.
Waxa uu sheegay inay lasoo xiriireen madax ka tirsan Dowlada KMG ah kuwaasoo weydiiyay durbadiiba sababta uu xilka iskaga casilay, isla markanaa ugu jawaabay inuu yahay taliyaha saldhiga wali aysana jirin wax uu iska casilay.
Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan ayaa kusoo beegmay kadib markii shalay ay Idaacadaha ka howl-gala gudaha Somalia gaar ahaan Muqdisho baahiyeen war ku saabsanaa inuu is casilay Taliyaha saldhiga Baardheere Col. Aftaag. |